audio
audioduration (s)
2.42k
3.55k
text
stringclasses
5 values
sidaa darteed baa tariikh yahankii ingiriis Arnold J. Toynbee waa qarnigii 20 tanaad waa tariikh yahankii ugu weynaa ee reer galbeed lahayeen waa ninkaan leh taarikhal xadaraat ilaa 27 xadaaro oo bani aadamka soo maray buu taariikhdoda u qoray calaa kuli xaal mushtariqiinta ugu waweyn buu ahaa Toynbee ayaa wuxuu leeyahay kuwa raba iney darsaan tariikhda nabi muxammad waxaad heleysaan waxaad heleysaan buu leyahay kutub dhan oo iiidan wiligiin ka heli karin nabi kaloo tariikhda ka mida oo intaa laga hayaa eyna jirin wuxuu markaa leeyahay dunida waxaan ugu yeeraya in mabda'a walaalnimada iyo sinnanta laga qaato buu leeyahay islaamka ayaan dunida ugu yeeraya waayo buu leeyahay caqiiqadada ilaaha kaliga shegeysa ee uu islaamka la yimid waa tusaalaha ugu fiican ee bin aadam dunida ku nool lagu mideyn karo buu tilmaamaya waarida uu islaamka waara-na rajeey u tahay dunidoo dhan manta iclaamka buuqaa wuxuu ina leeyahay islaamka waa terrorka dunida aqoonyahankoda tariikhda baarayna wuxuu leeyahay waaritaanka islaamka wuxuu rajo u yahay buu tilmaamaya bin aadam nimada waxa nabi muxammad muslim ka sheegay waxaan rabaa inaan ka tago waayo umad weliba geesigeda iyo nabigeeda wa amaanataa waxaa laga yabaa markaa inaa tirahdaan waa dadkii rumeysnaa oo amaanaya waxaan isku dayayaa waxaan aan soo qataa iney u bataan kadib baan quraanka dib ugu noqonayaa hadii alle yirahdo lakiin waxaan isku dayayaa waxaan qaato inuu u bato waxay aqoon yahan kooda qoreen weliba waxaan horeysiin doonaa kuwa kiniteeriyada qoray aqoon yahanka qaar reer galbeedka ah oo nabi muxammad wax ka qoray nolashiisa qeyb ka mid ah inteey qoreen bey amaneen ama tacaadiir duuduub ah bey ka shegeen aqoon yahanka qaarna iyagoo bini aadamka qiimeynaya bey waxay dajiyeen kiriteeriya wax lagu qiimeyo yacni qofka bini aadamka ah ee aan oran karno waa hogaamiye ama waa mudan yahay waa qof maxay qabtay bey marka hore isweydiiyeen dabeetana kirteeriya ayey qoreen qofka wa inuu sifadaa iyo sifadaa yeeshaa markay kiriteeriyada dhameyeen kadib ayey waxay yirahdeen bini aadamka aan ku dabqno hadaba yaa leh sifooyinkaa inta kiriteeriyada qortay dhamaantod waxay tilmaamayaan nabi muxammad inuu yahay kan ugu mudan ee kiriteeriyda bini aadamka lagu qimeyn kara wata aan dhowr qof markaa soo qaado waxaan idiin soo qaadi donaa A de Lamartine iyo jules mazarin iyo Michael H. Hart iyo prof roo krishna waa afar dunida ka kala tirsan mid waa hindi midna waa yahuudi mareykan iyo reer yurub waa dad kala gadisan waxay is weydiiyeen marka kowaad bin aadamka maxaa lagu qiimeyaa marka la maamusaye la leeyahay qofkani waa halyeey cumuuman bin aadamka wuxuu yirahdaa 3 sheey ba wax lagu qiimeeyaa kow waxaa lagu qiimeyn karaa bey leeyihiin sifaadka bin aadanimo ee waa geesi waa deeqsi yacni sifaad qofka bini aadamka insaaniyada ay leedahay waa lagu qiimeyn karaa bey yirahdaan waxaa kaloo bin aadamka lagu qiimeyn karaa bey yirahdaan wax qabadka umad buu badbaadiyay, wxaasu keenay, wax qabadkiisa waa lagu qiimeyn karaa waxa sadexaad ee bini aadamka lag qiimeyn karaa bey yirahaan raadka uu bini aadamnimada kaga tagay intee qarni buu raadeeyay ma bulashadii uu la noolaa iyo qarnigii uu nolaa qof radeeyn ku leh buu ahaa mise taariikhda bini aadamka ee soo jireenka ah qof ku leh raadeyn, waa sadex qeybood oo wax loo qiimeyn karo bey leeyihiin in dhaqanka iyo aqlaaqda iyo miizanka insaaniga ah lagu qiimeyo in wax qabadka iyo acmaasha kasoo fushay lagu qiimeyo iyo raadkuu bin aadamka kaga tagay lagu qiimeyo sadaxda kaad ka qiimeyso nabi muxammad bey yirahdaan waa number 1 waxay yirahdaan cadama marka la qiimeynayo dadka qaar qowm buu weynida u yahay lakiin waxaa laga yabaa qadarka uu kuwaan wax u taray kuwa kalena inuu dhibay tusaale dagaal yahanada nin baa dagaal yahannimo lagu qiimeyay dee qowmkiisa wuu u guuleyay lakiin qaar kale uu jabiyay baa jira bani aadamkoo dhan wa ma wada tarinee qaarna wuu u hiiliyay qaarna wuu ka hiiliyay waxaa jira bini aadamnimda marka la qiimeynayo iney maxali tahay raadeyntiisa ama wax qabadkiisa inuu gobol ku kooban yahay qowm ilaa qowm inuu wax taray iyo iney tahay caalami aduunkoo dhan inuu wax taray nabi muxammad scw waxay leeyihiin qiyaas kasto ood wax ku qiimeyso bashariyada dhamanteed buu wax taray sidaa awgeed hadii aqlaaq iyo dhaqan la rabo bey leeyihiin waa qof tariikhdu ay tilmaameyso in mutawaadic ahaa geesi ahaa dagal yahan ahaa wax bixin jiray dulqaad badnaa waxa sifaad qof bin aadam ah lagu tilmamoo dhan saadiq ahaa run sheeg badnaa balan oofin badnaa wax sifaad qof binaadam lagu mamuuso waa looga marqaatiya inuu lahaa haday tahay raadeyn caalamka ilaa mantey talaa raadeystisii oo waqtiguu nabi muxammad yimid csw waqti aan xaquuqul insaan aanan jirin bey aheed markuu nabiga csw xajatul widaac uu tilmaamayay bin aadamka iyo maamusnimadiisa xurmada uu leeyahay aasartuu ka tagay waxay leeyihiin waa tan abuurtay xadaarataan islaamiga dhamanteed iyo dadka muslimiin ee dunida soo jiroo dhan sidaa awgeed ayi min qiyaas wax lagu qiimeyo nabi muxammad csw waa nambar 1 sidaa darteed baa waxa uu qoray ee will dirent waxaan filaaya inuu yahay agnostic yacni kuwaan aan diimahaba rumeyneen athiest maaha waa agnostic yacni inuu jiro iyo inaanu jirin makala ogi anigu waxa ma ogi baa la yiraahdaa kaasi agnostica ahi wuxuu leeyahay 2 kitaab oo waaweyno caano mid waliba dhowr iyo 10 valume yahay mid waa story civilasation taarikhi xadaara insaaniya midna waa story of philosphy taariikhil falsafa waa 2 kitaab oo valume kitaabkiisan la yiraahdo taariikhil xadaarah ama story of civilization marka uu ka waramayo taariikhdii nabi CSW wuxuu oranayaa إذا ما حكمنا على العظمة بما كان للعظيم من أثر في الناس قلنا إن محمدًا [صلى الله عليه وسلم] كان من أعظم عظماء التاريخ، فلقد أخذ على نفسه أن يرفع المستوى الروحي والأخلاقي لشعب ألقت به في دياجير الهمجية حرارة الجو وجدب الصحراء، وقد نجح في تحقيق هذا الغرض نجاحًا لم يدانه فيه أي مصلح آخر في التاريخ waxa uu leeyahay hadeynu weyni ka warano iyo qof biniaadan weynidii aynu ku qiimeeno raadka uu biniaadanka kaga tagay nabi wuxuu yahay buu leeyahay كان اعظم عظماء التاريخ dadka ugu waaweyn ee taariikhda la timaamo kooda ugu sii weyn weeyaan buu leeyahay daka ugu waaweyn عظماء التاريخ markeenu meel isla dhigno ayuu kan ugu weyn yahay ayuu tilmaamayaa waayo shacab ku nool dhul kulul oo aan wax dhaqana wadanin carabti jaahiliyadu tilmaamayaa ayuu intuu noolashaa ka saaray uu wuxuu gaarsiiyay nolo biniaadanka tuu ku rayrayo tu noolalaha ugu sareeyay bu gaarsiiyay waxaan jeclaahy inaa usoo noqdo dadyowga kale wararkooda lkn bal nimanka creteria da qaatay baa aan iyaga warkooda horeesiiyo waxa uu yiri michale hart aan soo qaato marka koowaaad waa nin mareekan ah asal ahaan yahuudiya NASA researcher ka haan jiray professor of physics ahaan jiray jaamacaadka taqasuusaad badan leh waa maths waa physics waa science iyo law 5 wax ayuu ku taqsuusay 5 taba digree buu ka sitaa waa professor jaamacadeed buugaag buu leeyahay oo uu ugu caan san yahay buugaan waxa uu ku tilmaamaya 100 ka qof ee biniaadanka ugu raadeynta badan the most influence persons in the history of man kind 100 ka qof ee ugu raadeenta badan biniaadanka waa buug half million copy laga iibiyay ilaa 15 luqa na ku tarjuman ninkan odaygi markuu masaladan ka waramayo isagu markuu isa safeenayo wuxuu isku sifeeyay inuu yahay jefeson waa madaxdii mareekanka soo martay mid kamida nin librown ah ayu isku sifeenaya lkn qolada isaga ridida waxay bku sifeeyaan inuu yahay russian servent waan nin muxaafida oo cusuriya bey leeyihiin iyagu nin yahuudiya oo dadka bar cunsurinimo ku sheegayaan oo mareekan u dhahsay oo buug qoraya oo buuga audiance uu u qorayo oo wax ka iibinaya aanu carab ahayn ee yihii dadka afka ingiriiska ku hadla ayy buug qoray yacni waa nimaa xiriir ka dhaxeyn isaga iyo Nabi Maxamed CSW buuga uu qorayo wuxuu leeyahay waxaan ka waramaya 100 qof ee biniaadanka raadeenta badan 3 shardi baanu u dhigay shardiga koowaad qofkani waa inuu qof xaqiiqi yahay buu tilmaamayaa yacni xaqiiqiga maxaa loola jeedaa waxay leeyihiin taariikhda biniaadanka dad baa iska jira astuura loo maleenayo imika xakiimu siin oo kale lautso nin la yiraahdo oo chinese ah ayaa jiro oo xikam kasoo naqliyaan waa sida cigaal shidaadkeena oo kale qof jira maaha mise maaheen ayee ku muran san yihiin markaa wuxuu leeyahay qofka waa inuu noqonin dadka aan laba garaneenine qof xaqiiqiyo la garanayo wa inuu yahay waa markalabaadee waa inuu noqdaa qof raad badan nolosha kaga tagay raad badan nolosha kaga tagay waxaa uga jeedaa buu yiri xataa raadka ha xumaado ama ha samaado walidaalika 100 ka uu leeyahay biniaadanke ugu raadeenta badnaayeen hitler baa ugu jira hitler raadeenta uu dunida raadeeyay waa maxay dhib buu ku raadeeyay dee wuxuu ku caan baxay mushkilad marka wuxuu leeyahay bal adigu biniaadan waxaa doonto ku raadeey ama waali ka warkeen ama wanaag ka warkeen 100 ka qof ee biniaadan ugu raadeenta badan baa rabaa waxa kalo uu tilmaamay inuu noqdo qofkaasi asarkiisa inuu noqon iqniimi ee uu noqdo asar caalami ah dunidoo dhan inuu raad ku sameyn karo buugiisa markuu qorayay wuxuu yiri 3daa qiimeenood maraka aan ku qiimeeyo qofka biniaadanka ee ugu mudan basharka dunida soo maray oo dhan waa nabi mohammad buu leeyahay CSW number one waxaa ah Nabi Maxamed number 2giisa ma taqaaniin waa Isaac Newton ninkii physicska number 3 giisa ma garaneesa waa ciise nabiyulahi ciise isagoo yahuudiya nabiyulahi muuse muxuu ka dhigay nabi muuse numberka 40aad buu ugu jiraa 100 ka qofe dunida raadeenta ku leh isagu nabigiisa uu raacsanaa wuxuu ka dhigay number 40 ciise nabi ciisena wuxuu ku tilmaamaya number 3 su'aal baa is weydiin leh markaa tirikoobyada maanta la hayo ee dunida sheegato masiixiyada inta sheegataa ka abdneed baa la leeyahay inta sheegata muslimka why uu ciise number 3 uga dhigay ayaa la weediyay maxaa ciise one u geen weeday waxa uu tilmaamaya ciise waxa aan one ka u geen waayay waaa hal shey wuxu leeyahay diinta nabi ciise qeybta kahlaaqiyaadka iyo waxa ku saabsan raadeenteeda nabi ciisa iska leh ama caqaaida maanta kirishtanka heesta poolash baa kaga badan ciise marka waa diin aan u qeebinayo buuu leeyahay 2 qof inee raadeenteeda leeyihiin qeybteeda caqaaida polash baa ah qofka koowaad ee raadeenta ku leh 3 daan ilaah ee isku ilaaha ninka soo dhex galiyay diinta tan weeye sidaa awgeed bu leeyahay ciise agteyda wuxuu ka yahay number 3 amaa buu leeyahay muxamad CSW isagu kaligii ayu hadey caqiida tahay iyo hadey akhlaaq tahay hadey dowlad nimo tahay islaamka kaligii buu matalaa buu leeyahay kaligii ayuu yahay markaan bashariyada oo dhan eego taariikhda reer nabi aadan markaa eego qofka ugu mudan ee ugu weyn ee raad lihi waa nabi maxamed buu tilmaamayaa CSW ma irhaabi baa ugu raad badnaan lahaa dunida intuu soo qoro mise qof la caayo la yiraahdo waa dumar buu jecel yahay ama ceynka weyaan ama ceykan sameyn kari la' maya waxa weeyaan inaga gabnay taariikhdii islamiga ahayd markeenu soo bandhigi weynay iyagu soo bandhigeen quraafadkodi aan eego ahmed deedat kitaabkiisa la yiraahdo uu nabi Maxamed weynidiisa kaga waramayo wuxuu tilmaamayaa jariidadaan time la yiraahdo 15 july 1924 soo baxday buu leeyahay ayaa waxay ayaa cove kore waxay ka dhigaatay who was histories great leaders leaderada ugu waaweyn ee taariikhda soo mara wa kuwama dabeetana jariirada inteeda ugu badani wa maqaalo rag la weydiiyay suaasha ah yaa u mudnaa hogaamiye dunida soo mara dadka la weydiiyay ee jariiradaan weydiisay dad dhowra bey ahaayeen oo kala nooca laakiin dhamaantood jawaabaha ay bixiyeen midnaba ma ignore gareen nabi maxamed CSW midka kasta oo ka waramay dadkii ugu waaweynaa ee dunida soo maray ee jariirada qortay nin kastoo la weediiyay liiskiisa waa ku jiraa bu leeyahay nabi maxamed CSW aan qaar kamida soo qaadano William macknel waa muariq waa taariikh yahan mareekan o jaamacad chicago ka tirsan ayaa jariirada maqaal ku leh waxa uu leeyahay hadii aynu weynida ku qiimeeno qofka inta uu raadeeyay biniaadanka waxaa qasab noqoneesa buu yiri inaynu xusno dadkii biniaadanka ugu raadeenta badnaa nabi ciise iyo buda iyo Mohammad anbiyada dunida soo martay buu isaga leeyahay diimaha waaweyn ee dunida soo maray anbiyadoodi al axadi qowlihi weeyaan siduu isagu sheegay ayaa ugu raadeyn badan nimanka wax la weydiiyay ee maqaaladaan la weydiinayo waxaa kamida nina janan mutcaaqida fariiq buu ahaa mutacaaqid ciidanka mareekan ah james gurd waxaa la weediiyay yaa ugu mudan qaadadii dunida soo martay kaasi taariikh yahan buu aha kana waa askari waxaa dadkaan loo soo qaadanayaa waa dad viewga ee wax ku eegayaan ee kala gadisan tahay oo ninka askariga si buu dunida u arkaa ninka taariikhigana si buu dunida u arka ninka sychology ku takhsuusayna si kalu u arkayaa James gurd waxa la weydiiyay yaa dunida ugu raad badanee soo maray taariikhda wuxuu yiri waxaan anigu agteyda waxaan ictibaarinayaa maxamed iyo ciise liilan waa ku dari karaa isagana inuu kamid yahay dadki dunida raadeeyay nimanka jariirada waxa qortay waxaa kamida Julies msarman waa yahuudi waa muxalil nafsi waa sychology qolada ka waranta isna waa professor jaamaca chicago waxaa kla weediiyay masaladan wuxuu yiri inta aan masalada ka waramin waxaynu u baahanahay biniaadanka weynidiisa ineynu ku qiimeeno maxaynu ku qiimeena waxaynu ku qiimeen karnaa buu yiri kow qaaidka inuu yahay saliiimul qiyaada qiyaado toosan oo yacni qof dadka inuu istiqfalsado ku shaqeesanayo ahaynee qof qumano dadka maslaxadooda ka waramaya inuu noqdo waxaa ku qiimeyn karnaa buu yiri qaaidku inuu nidaam bulsheed oo biniaadanku inuu daganaan iyo xasilooni dareemi karo inuu keeno waxaan ku qiimeen karnaa qaaidka inuu mujtamaca u yeelo muctaqad mideeya yacni 3 sheey buu keensaday mid waxa weeyaan bulshadii inuu humatarian group ka dhigo karo bulsho afkaarteeda ay isku dhowdahay ama mideesan 2 wuxuu ku timaamay nidaamkiis ainuu yahay nidaam bulshadu nabadgalyo iyo xasilooni keenaya kan 3aad wuxuu ku timaamay inuu daneeste ahayn oo daka maslaxadooda qof wada inuu yahay 3daa shey hadaa wax ku qiimiiye buu leeyahay oo aan biniaadankii dunida soo maray ku eego lacala acdamu qaaid buu markaa yahay marka 3daa shey wax ku qiimeeyo qaaidka ugu weyn ee taarikh biniaadan soo maray waxan filayaa inuu maxamed yahay waayo isagu 3daba wuu wada kulan saday muuse na isagu darajadaa darajo ka hooseesa geenayaa lkn isna nabi muuse CSW maxay tilmaameysaa qadiyadan waxay tilmaameesa dadka wax qiimeeyay ama askarinimo ku qiimeeyay ama sycology ku qiimeeyay ama mid taariikhi ku qiimeeyay ama backrounds aqoomeed oo kala gadisan lahaa oo ka waramay nabi Maxamed CSW dhamaantood waxay tilmaamayaan inuu nabi maxamed mudnaa ama kuwa ugu mudan dunida uu ahaa ama isagu inuu yahay kuwa mudan kan usii mudan aan kan 4aad soo qaato waa philosof india i dhashay philasofkan hindiga ah rama krishna rao baa yiraahdaa wxuu leeyahay kutaab la yiraahdo muxamdun rasulul islam muxamad waa rasuulkii islamka buug la yiraahdo buu leeyahay isagu laftiisu waxa uu ka hadlayaa uu leeyahay dadkii nolosha raadka ku lahaa oo dhan aan qiimeeyo laakiin dadkaa markaa qiimeenayo buu yiri anigu waxaa soo qaadanayaa buu yiri micyaar uu qoray dunida malaha kii ugu imtixaansanaa mid kamida hitler buu micyaarka ka qaadanayaa hitler wuxuu leeyahay buug la yiraahdo kifaaxi af jarmalka dagalkeygii buug la yiraahdo buu leeyahay hitler buugiisa wuxuu oranayaa waxa naadira ah waxa mar uun la arka aan horay u dhicin buu leeyahay hitler in la arko rajulun nadariyaat qofka nadiryaat keena philosophy ah aragtida leh oo hadana ah qaaid cadiimah hogaamiye weyn ah dunida lama arko dunida waa la arki karaa daaci khadiib aftahan wax hogaamiyay waa la arki karaa lkn ma dhacdo bey leeyihiin inta badan dadka caqliga weyn lihi ee philosophiga keena falasafa qaado ah waa labo guruub oo kala baxsan buu leeyahay inta badan falasafadu qaado ma noqoto buu leeyahay good leadership ma noqdaan hitler marka micyaarkiisan waxa weeyan inee kulmaan awooda aragti dajinta iyo nidaamka iyo philosophiga inaa dajiso iyo awooda hogaaminta iyo inaa zaciim noqoto iyo awoda hadalka iyo dadka afkaartaada inaa gaarsiin karto 3 daasi inee kulmaan buu leeyhaya hitler waa wax aad naadir u ah waa wax aan nolosha inta badan lagu arag hadaba professor rao baa masaladan marku hitler kasoo qaatay wuxuu leeyhay 3du hitler yiri waa naadir qof ay ku kulantaa haynaa 3 daas oo qof qudha isugu tagay 3 daasba waxay ku kulmeen rasuulul islaamka diin iyo mabaadii' cusub la yimi hogaamin la yimi khadib dadka wuxuu rabo gaarsiinayay waana bu leeyhay في شخص رسول الاسلام buu yiri qofka islamka hogaaminaya ama nabi maxamed CSW waxa weeyaan buu leeyahay andar dahirah waa muuqaalka ugu dhif iyo naadirsan ee dhulka korkiisa lagu arkay ee dhiig iyo laf ka sameesan buu leeyahay 3daa wada wata yacni philasofkan wuxuu leeyahay qof dhiig ka sameesan oo biniaadama oo 3daa shey isku wata maxamad baanu argnay buu leeyahay CSW walidalika wuxu tilmaamayaa buugeygaan markaa qorayay waxaa igu adkaatay ina nabi maxamed oo dhan ka waramo laakiin waxaa laga yaaba inaa xogaa sawiro idinka siiyo maxamed kii nabiga haa maxamedkii dagal yahanka ahaa maxamedkii busines manka ahaa maxamedkii siyaasiga aha maxamedkii khadiibka ahaa maxamed ijtamac heshiisiinayay maxamedkii agoonta ay kuso hoyan jirtay maxamedkii adoomaha xoreyn jiray maxamad kaasi taariikhihiisa wax kamida baan idiin sheegaya buu leeyahay buuga kan markaa qorayo ee nabi maxamadka naadirka kama warami karo yacni wuxuu ka cudur daaranayaa inaanu soo wada bandhigi karin nabiyulahi maxamed CSW qeybaha weyn uu leeyahay ayuha axibah philasopher kii ingriiska aha Thomas Carlyle la oran jiray waxaa uu ka waraamaya cibaadatul adqal buugiisa la yiraahdo weynida ama badalnimada la caabudo dabeetana noolashuu qeyb qeybinaya mid meesha uu ku weyn yahay cala kuli xaal wuxuu leeyahay diin marka aan ka hadlo ama rijaalka diin hogaamiyo marka aan tilmaamo Maxamed CSW waxaan shaki ku jiri bu yiri acdam inuu yahay dadka diin lagu tilmaamo inuu haa muslix weyn oo aftahana oo geesiya oo mufakira oo sifaadka biniaadan lagu tilmaamo oo dhan leh waxaana amaantisa kugu filan inaa quraankiisa akhrida oo qura waa gaal ingiriis ninka warka qoraya walidalika ayuhal axibah al asuji wa swedish waa mushtashif swedish qarniga 19aad noolaa oo ah professor luuqaadka saamiga ah daairatil macaarif raga wax badan ka qeyb qaatay kamida ayaa wuxuu leeyahay kitaab uu kaga warmayo Quraanka iyo bible ka quraanka waa bible ka nabi maxamed buu leeyahay iyo buug kale oo taariikhda nabi maxamed la yiraah wuxuu leeyahay swedish kaasi umena cadaalad sameyn nabi maxamed hadeynu inkirno wixii uu sifaad waaweyn lahaa iyo tilmaamaha lagu dooran karo biniaadan waxay ka marqaati tahay inanan cadaalad sameyn waayo nabi maxamed dagaal nololeed buu galay uu la galay jahliga iyo hamajinimada wuuna ku adkeestay mabdaiisa ilaa uu keenay shareeco akmalu sharaaica waa shareecada maanta raga bar yiraahdaan waa shareeco mutawaxisha ayu ninkaa swedishka wuxu leeyahay shariicadiisu waxa weeyaan shareeco la dhigo tan ugu fiican ama ugu dhameystiran dadkii waaweyna ee taarikhda sheegtayna wuu ka sareeyaa gote wa taqaaniin waa shakisbirka jarmal umada faka jarmal ku hadasha halka shakisbir ugu jiro ayuu gotena ugu jiraa waliba goten shakisbir waxyaabo aan gabay aheen buu goten dheeryahay goten ba wuxuu leeyahay hadeynu reer yurub nahay wax alaale waxaynu afkaar hayno oo dhami ma gaareyso tuu maxamed gaaray oo gote baa wuxuu is barbar dhigayaa afkaarta reer yurub iyo nabiulahi maxamed wuxuu dunida keenay deetana wuxuu leeyhaay hadeynu reer galbeed nahay mafaahinteen ma gaareyso wuxuu maxamed keenay mustaqbalka ma jidho qof dhaafeysaa buu leeyahay waa goten kii jarmal بحثت في التاريخ عن مثل أعلى لهذا الإنسان، taariikhdoo dhan baa waxa baaray biniaadanka qofaa tusaale uga dhigo waxaa helay nabi maxamed inuu noqday biniaadanka qofkii aan tusale uga dhiginlahaa sidaa awgeed waxaa waajiba inuu xaqa muuqdo oo koreeyo siduu maxamed u koreeyay oo dunida kalimatu towxiid ugu kor yeelay waa gabyaagii ruwaayi ahaa ee jarmal eemacruufkee ee aad taqaaniin dadka wax qora aad bey u badan yihiin lkn waan koobayaa waxaa jira gabyaa kale oo faransiis ah waa alphonso de la martin waa nin siyaasi buu ahaa oo second republic ee faransiis ragi qeyb weyn ka qaatay buu kamid ahaa gabyaana wuu aahaa dabeetnaa wuxuu eabay inuu wax ka qoro buug buu leeyahay taariikhda turkiga ah maadaama uu turkiga wax ka qoray waxaa qasab ku noqotay turkiga dee diintee heestaan inu wax ka qoro uu milicsado dabeetana markuu akhriyay taariikhdii nabi maxamed CSW waa 14 sano kadib muxaadaraadkii ee carleyl uu jeedinayay kadib ayuu wuxuu yiri biniaadanka ama qaadada hormoodka biniaadanka criteria u dhigayaa eenu ku qiimeeno oo 3 ah bal ninkana criteria diisa dhageesta wuxuu leeyahay waxaan ku qiimeenayaa 3 shey kow greatness of popuse 2 smallness of means 3 outstanding result 3 shey baan wax ku qiimeenaya buu yiri qofka biniaadanka ahi inta ay sareesay porpurse kiisa himiladiisa iney la ekeed oo nabi maxamed himiladiisu maxay ahayd وما أرسلناك إلا كافة للناس baa ilaahay kusoo diray biniaadanoo dhan buu kuu soo diray baa ilaahay ku yiri nabiga CSW bini aadan oo dhan inuu hogaamiyo يَا أَيُّهَا الْمُدَّثِّرُ (1) قُمْ فَأَنذِرْ (2) وَرَبَّكَ فَكَبِّرْ (3) وَثِيَابَكَ فَطَهِّرْ baa lagu yiri idan wuxuu leeyahay qofka intuu ka fakirayo aragtidiisa intee gaarsiisan tahay ( وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلا رَحْمَةً لِلْعَالَمِينَ ) baa ilaahay yiri kan labaad waxa uu leeyahay nabi maxamed universal buu ahaa wuxuu ka fakirayay caalamkoo dhan baa ilaahay usoo diray jini iyo insiba kan labaad waxa uu leeyahay smallnes of means awooda uu heesto intee la'ekeed dee nin masalan maanta ninka dowlada mareekan xukuma dee wuxuu heestaa means dunida ugu balaarnaa ee nin gacantiisa gala hadey dhaqaale tahay hadey hub tahay hadey technology tahay dunida cidii hogaamineesay buu maamulaa amaa isagu ninkani qofku qimeesanaya waa maxay qofkan inu wuxuu heestay wax yar noqdaan nabi maxamed markeenu eegno CSW dee waa saail dhaqaale ma heesan cidi lama socon inan yaroo agoona oo meel cidla kuso koray tolkii iyo dadkii uu ka dhashay meel saxaare oo lam dage ah ayee joogeen carabi magac iyo maamuus dhunida kumey lahayn 2 dowladood ee waaeyn ee dunida ka taliya midna may aayn yacni waxay ahayd meel biniaadan dagan yahay meesha ugu dambeysa ee la tilmaamo ayee saxaarul carab ahayd markuu nabi kasoo baxay csw qodobka saddexaad ee la martin wa ku qiimeenayo waxa weeyaan waa uotstanding ka resultiga kasoo baxay natiijada uu dhaliyay sida ay u weyntahay nabi maxamed wuxuu leeyahay taariikhda biniaadanka hadaa 3 ku qiimeeyo qof himiladiisu weyn tahay waxa agtiisa yaala ee awooda ee yaryihiin miraha uu dhaliyay uu yahay miro caalami ah markaa wax ku qiimeeyo buu leeyahay Nabi maxamed CSW wuxuu yahay qofka ugu mudan biniaadanka ee la tilmaami karo masladaa uu ninkani sidaa u tilmaamay waxaa tacliiqinaya biniyamin bosar smith waa Pishob mareekan buug buu leeyahay la yiraahdo uu nabi maxamed CSW kaga waramayo dabeetana wuxuu leeyahay maxamed لقد كان قيصر والباب ninkani wa Pishob marka 2dii u yaqaanay ee ugu awooda badna buu isku daray nabi maxamed wuxuu ahaa buu yiri qeysar iyo baabaha oo la isku daray yacni dowladihii romaniska boqor dowlada hogaamiyo oo qeysar la yiraahda jiray iyo popki catholica maxamed wuxuu ahaa buu leeyahay 2daas oo la isku daray laakiin hadana bal u fiirso laakiin muu lahayn لكنه كان البابا دون دعاوي البابا popka isla weynida ay leeyihiin muu lahayn oo rajul mutawaadic buu ahaa si kale markaan u eego buu yiri waa qaysar قيصر وجيشه المتأهب ودون حرسه وقصره ودون wuxuu ahaa buu yiri qeysar aan ciidan lahayn oo aan qalcado iyo meelo dhufaysyo wadan oo aan xataa mushaar qaadan mid raatiba lahayn idan wuxu leeyahay nabi maxamed wuxuu ahaa qeysar iyo Pop la isku daray oo aan islaweynida Popkana lahayn wixii xoog iyo ciidan qeysarna watay aan wadanin 2daas oo la isku daray hadana aan intaa wadanin waa wax cajab qaba saa daraadeed buu wuxuu tilmaamayaa nabiyulaahi maxamed CSW inuu yahay miisaalka ugu cadiimsan ee bashariyada soo maray leonardo ayaa isna wuxu timaamayaa leeyahay ان محمد اعظم البشرية خاطبة اصدق الناس وجد علي وجه الارض buu leeyahay nabi maxamed waa qfkii ugu weynaa ee dunidaan soo maray waa insaankii ugu run sheega badnaa ee dunida soo maray ayuhal axibah waa idinku filan soo ma ogidiin in United Nation ku leeyihiin kuliyad ku taala talyaaniga oo torona ku taal oo kuliyad leadership ka lagu dhigo oo leadershipka united nation ka iyo dadka ka shaqeeya leadership kooda sida loo hogaamiyo ma fileysaa leadership ka ugu weyn ee loo dhiga inuu nabi maxamed yahay CSW oo professor ingiriis ah dhigo nabi maxmed CSW professorada ugu caansan ee leadership ka warama buug buu leeyahay la yiraahdo leadership of mohammad kaasa laga dhigaa uu dhigaa united nation ka qaadadeeda si loogu train gareeyo nabi maxamed CSW qiyaadadiisii marka ay noqoto cilmi iyo taariikh iyo biniaadan wax baara iyo dad biniaadanimada ay qiimo u sameeneeso nabi maxamed CSW waa hormoodka biniaadanka walidalika ayuhal ikhwah hanskob nin la yiraahdo oo switzerland u shashay oo dr ah ayaa wuxuu leeyahay taariikhdoo dhaan baa baaray anoo ka baaraya biniaadanka qofaa tusaale uga dhigo nabiga carbeed ee maxamed baan helay qof biniaadan tusaale u noqon kara dadka aan tilmaamaya waa dad backround kala gadisan leh qaarkood wadaado diimeed ee yihiin qaarkood taariikhyahno ee yihiin qaarkood ee jannano iyo casaakir ay yihiin qaarkood ee wasaatul jaamacadeed ee yihiin qaarkood physics iyo science yihiin waa dad backround kala gadisan leh lkn isku dayay iney ka waramaan biniaadanka yaa u noqon kara hormood yaa magac iyo maamuus yeelan kara insyclobydia daariratul macarikal biridaniya maadada maxamed hadaa baadho waxay leeyihiin maxamed ibnu abdilaah muasasa diinul islaamiya wulida fi makka maxamed oo ah diinta islamka kii aasaasay waa iyagu see u dhigayaan wuxuu ku dhashay magaalada makka tacbiirka ku xigaa waa maxay وقليلون هم الرجال الذين أحدثوا في البشرية الأثر العميق الدائم الذي أحدثه محمد incyclebedia ingiriiska wuxu leeyahay waxaa yar biniaadanka dhexdiisa in lagu arko raadkuu nabi maxamed nolosha ku sameeyay wax ku sameeyay bey leeyihiin waa reer cyclobedia ayaa saatan dhigaya thomas Carlyle wuxu leeyahay wa shiaabun qadau dunya waa holac ama iftiin dunidoo dhan ifiyay ayuhal axibah hadey noqoto weedhaha uu biniaadan yiri inaa soo naqliya aad bey u iro badan tahay laakiin waxaa rabaa inaa iska daayo weedhaha biniaadanka oo aan idiin sheego waxa ilaahay yiri SWT ilaahay wuxu leeyahay nabi maxamed waa rasuulkii ilaahay rasuul macnaheedu waxa weeyaan wa ku ilaahay intuu doortay basharka usoo diray nabi maxamed wuxuu gaarka ku yahay rususha kale waa la iska soo daba diri jiray rasuul walbana waa loo soo diri jiray qowm gaara nabi maxamed kow waxaa la yiri rasuul dambo laga soo dab dirayaa ma jiro diintisu ma nasakh meso 2 qowm gaara loo ma soo dirinee biniaadano dhan baa loo soo diray saa daraadeed ayaa ilaahay SWT quraanka ku tilmaamayaa ( مَا ضَلَّ صَاحِبُكُمْ وَمَا غَوَى ) haday tahay nolosha iyo ahdaafta kama lumin haday caqliga iyo ra'yiga tahay ma lumin baa ilaahay leeyahay SWT مَا زَاغَ الْبَصَرُ وَمَا طَغَىٰ ishiisa waa mid akhlaaq wadata maaha mid xadgudubta ( الم نشرح لك صدرك ) مَا كَذَبَ الْفُؤَادُ مَا رَأَىٰ laabtiisu waa midaa balaarinay oo sharaxnay baa rabbi ku tilmaamayaa ( وَرَفَعْنَا لَكَ ذِكْرَكَ ) magaciisaanu koryeelnay baa ilaahay leeyahay عَلَّمَهُ شَدِيدُ الْقُوَىٰ jibriil baa u macalina ilaahay tilmaamaya وَإِنَّكَ لَعَلى خُلُقٍ عَظِيمٍ akhlaaq fiican baa ku sugan tahay baa rabbi leeyahay SWT ilaahay quraanka wuxuu ku leeyahay تِلْكَ الرُّسُلُ فَضَّلْنَا بَعْضَهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ ۘ kuwaani waa rusushii oo badh ba badh baan ka fadilay marka laga yimaado basharka kale basharka rusushaa u mudan rususha lafteeda kala mudan hadaba rususha kaloo dhan nabi ibraahim baa u mudan bal u fiirso quraanka nabi ibrahim ilaahay buu baryaayaa oo wuxuu leeyahay ﴿وَلَا تُخْزِنِي يَوْمَ يُبْعَثُونَ﴾ ilaahay quraanka wuxu ku leeyahay ( يوم لا يخزي الله النبي والذين آمنوا معه ) nabi ibraahim mixnadiisa buu ilaahay baryaya oo wuxuu leeyahay حسبي الله nabi maxamed se ilaahay quraanka wuxuu ku leeyahay يا أيها النبي حسبك الله nabi ibrahim wuxuu leeyahay ( واجعل لي لسان صدق في الآخرين ) ilaahow kuwa dambe magac iigu reeb nabi maxamed se ilaahay wuxu leeyahay ( وَرَفَعْنَا لَكَ ذِكْرَكَ ) nabi ibrahim wuxu leyahay وَاجْنُبْنِي وَبَنِيَّ أَن نَّعْبُدَ الْأَصْنَامَ ilaahow aniga iyo intaa dhalay inaa sanab caabudno ka fogeey nabi maxamed se ilaahay wuxuu leeyahay ( إنما يريد الله ليذهب عنكم الرجس أهل البيت ويطهركم تطهيرا ) nabiyulahi musa wuxu leyahay ﴿رَبِّ اشْرَحْ لِي صَدْرِي﴾ ilaahayna nabi maxamed wuxuu leeyahay ( الم نشرح لك صدرك ) nabi muse wuxuu leeyahay وَيَسِّرْ لِي أَمْرِي ilaahayna nabi maxamed wuxuu leeyahay وَنُيَسِّرُكَ لِلْيُسْرَىٰ nabi muuse wuxu leeyahay ilaahayna nabigiisa waxa uu ku leeyahay وَاحْلُلْ عُقْدَةً مِّن لِّسَانِي nabi muuse wuxuu leeyahay وَعَجِلْتُ إِلَيْكَ رَبِّ لِتَرْضَىٰ ilaahayna wuxuu maxamed CSW ku leeyahay لعلك ترضى idan alxasan ibn fadal ba wuxu leeyahay quraanka nabi sifo oo ilaahay leeyahay oo la isugu daray ma jirto Nabi maxamed mooyaane ilaahay quraanka wuxuu ku leeyahay إِنَّ اللَّهَ بِالنَّاسِ لَرَءُوفٌ رَّحِيمٌ nabiyulahi maxamedna ilaahay wuxu leeyahay بِالْمُؤْمِنِينَ رَءُوفٌ رَّحِيمٌ aayaadkaas aynu tilmaameyna waxa ay sheegayaan mudnaanta uu nabi maxamed ku dhex leeyahay anibuyada dhexdeda bale quraanka nabiyada kale magacooda loogu yeeray ya nuuxu yaa huudu yaa muusa kuso aroortay amaa nabi maxamed ilaaha wuxu leeyahay يا أيها النبي iyo يَا أَيُّهَا الرَّسُولُ baa kusoo arootay yaa muxamada kuma soo aroorin tashrifal lahu bey culumadu yiraahdaan marka aynu tilmaamno quraanka kusoo arooray nabiga CSW iyo amaantiisa ayaa amaan ugu filan laakiin weedhaha kale waxaan usoo qaadanaayay uun inta quraanka rumeyneeni ee rumeysan maqaayis kaloo biniaadanka wax ku qiimeeyo inaynu tilmaamno maqaayistuuna nabi maxamed yahay kan mudan marka lagu eego maqaayista biniaadanka ama hadii loo baahan yahay in nabi maxamed si dhaba loo qadariyo waxaa ku filan quran iyo xadiis waxa kuso arooray walidalik ayaa nabiga CSW waxa uu tilmaamaya inuu yahay sayid waladu aadam waxaan ahay buuleeyahay nabi maxamed aadan intuu dhalay sayidkooda faana kuma jiro bale waxa uu nabiga inoo sheegayaa CSW aakhiro kaligii inuu shafeeca qaadi doono marka cid waliba ay isdhaafiso shafeecatul kubra inuu isagu yahay liwayul xamd kan qaadi doona ee shafeeca qaadi doona nusuusta quraan iyo axaadista ka badan weedh biniaadan sheegay oo dhan hadii aynu soo uruurino iyadaa inagu filan laakiin maadaama aad la dagan tihiin dad aan wali quraan iyo xadiis rumenin waxaanrabnaa inaa tilmaamno cayda nabi maxamed la caayayaa inaanu boos ku lahayn balee xagjirnimada reer galbeedka qeybo kamida waxa kamida maanta france inaa maxraqadii yuhuuda wax ka sheegta waa xarig kuwii wax ka sheegayna waa la xiray maslan qaar taarikhda qiraa waxay yiraahdeen ee 6 million mey gaareyn dadkii yuhuuda ee meesha lagu dilay ciladau waa maxay daliilkiinu waxay yiraahdeen yahuudi jarmalka daganeed 6 million ma gaareen taariikh markaanu xisaabino hada mey oran lama gubin waxay leeyihiin tiradaa inta ka yar ka muslim ahaan aniga haduun ninkii gubay qiranayo 6 million baa gubay iqraarku waa marqaati ma doon dan kama lihi inaa iraahdo yahuud 6 million baa la gubay waxba igama saarna hitler inuu faashiista ahaa naaziiste ahaa muran kuma jiro hadey reer yurub qirtaan oo yiraahdaan 6 million beynu leenay inkaar baa qabtaan beynu leenahay ma waxa u difaaco ma yaalo laakiin waxa aan tilmaamayaa in la yiraahdo masalo dhacday xaqiiq kamida xaqiiqda dunida hadaa ka hadashana biniaadan dhaawac bey aarsineesa yahuud la yiraahdo oo 15 million dunida marke joogaan ah nabiulahi maxamed oo 2 billion rumeesan tahay waa xoriyatul qowl bey taagan tahay o maxay kan kale xoriyatul qowl u noqon weeday waa marka lagu doonayo somalidu maxay oran jirtay la jiifiya banaan wadaad baa u taagay bey soomaalidu oran jireen marka la rabona waxaa la oran jiray la jiifiyaano banaan media ha iyo bulshada iyo waxoo dhami wixi aana doneynin indhaha wey ka laabtaan ninka reer galbeeda ee wax geesta maalin uun baa baara oo dhakhtar ma tagin dad buu laayay haa wuu waalnaa barigu dhakhtarka la kulmay adiga kan waalani haduu wax dilo waa muslim terrosist ahaa haduu aad u waalan yahay uu kasoo baxo meesha uu kasoo baxo cidi faalkiisa dib uma eegto idan waa la jiifiyaa banaan lkn taasi waxay is badli kartaa markaa adigu hadasho markaa adigu diintaada difaacato marka adigu soo bandhigto nabi maxamed wuxuu aha CSW laakiin hadaa adba xishoneeso leedahay taloo nabigii ma doodi kareeside maxa tiraahdaa hadaa adba nabigaada garaneenin dee ma difaaci kareesid waa marka labaad hadaanu adiga qalbigaada ku weyneen dee dadka kale wuu weynaa kama dhaadhicin kartid haduu adiga qalbigaada ku weyn yahay gaalkan yar ee dhafoorada xiirtay ee aa dhafoorada kadaba xiiraneeso oo gaalka surwaalka badada dilaaciyay qalbigaada ku weyn yahay oo adna dabada dilaacineeso lkn hadaa cimaamad ama koofiyad xirato nabi nabi armaa u ekaataa yaan dadka ku garanin so caynkaa maah yaan dadka ku garaninee koofiyada idan haduu agtaada ku weynaan waayo adigu waxa rumeesneed adigu diinkaagi iyo waxaa rumeyneed haduu agtaada ku weynaan waayo dadka kale agtaada nabi maxamed agtaada haku weynaado suurta gal maaha markeynu inaga weyneeno nabi maxamed CSW ayee dadka kale weyneenayaan inagee xilkeena tahay markaasi dadka in badan baana ogeyn wuxuu ahaa intaan aan ka warameena waa in taariikh baadhay oo wax eegtay laakiin dadka inta badan media haas u warama maalin na sawir yaroo qaldan soo saaraya maalin na hadal qaldan soo saaraya kaasaa u waramaya marka dadka saasu u rumeesan yahay idan waa xil idinka idin ssaran inaynu bashariyada u sheegno nabi maxamed inaanu weyneen oo qura inuu yahay rasuulkii loo soo diray oo badbaadin lahaa aakhiro iyo aduun inuu maxamed yahay CSW وصلى الله على نبينا محمد وعلى آله وصحبه وسلم والحمد لله رب العالمين
Nbaiga csw mark marina yimi bulsho dhaqan iyi diin leh ayuu u yimi yahuud baa daganeed oo diin iyo dhaqan leh markii dambe xadiiska saxiixul muslimka : yahuudi waxay rumeysneed gabadha marka caadada hesho in laga fogaado deetana quraan baa soo dagay deetana nabiga csw wuxuu tilmaamaya gabadhu markay xaydku leedahay waan loo galmooneyn wixi kale wa lala wadaagaya waa la dhunkanaya baa xaaskaaga Cadiz bey yahuuda waxay yiraahdeen ninkana maba rabo waxayaga hila inuu na khilaafo mooyaanee nabiga csw wuxuu leeyahay xadiiska imamu axmed iyo abuu daauud qofka cid iso ekeesiiyaa suuqa dad xanuusanaya jooga so mama dadka xanuusanaya maxi lagu yaqaanaa inta badan inuu ram eyeshot marry jeexjeexan xidho hadaan intii soo xirto kwrn maxa oraneysan wadaadka wuu ku yara dhuftay soo maaha Wuxuu ahaa Bilaal ibnu Ar Rabbaax- Abii Cabdillaahi Al Xabashi, waxaa la sheegaa inuu ku dhashay magaallada Dimashiq, sidoo kale waxaa la yiraahdaa mayee wuxuu ku dhashay Makka Al Mukarramah saddex sano ama ku dhaw kadib dhacdadii loo yaqiinnay Caamul Fiil. Bilaal wuxuu addoon adeega u ahaa mid kamid ah sanaaddiidii iyo ugaasyadii Qureesheed, kaasoo la oran jirey Umayah bin Khalaf, oo ka dhashay reerka la yiraahda banii Jumux, kuwaasoo Qureeshta dhanka faalka iyo qurbaanta sanamyada u qaabilsanaa. Wuxuu Bilaal ahaa addoon Xabashi ah, oo madow, kana soo jeeday qaaradda Abasiiniya, isaga iyo hooyadiisba waxay ahaayeen addoomo. Wuxuu raaci jirey ariga abbaankiisa, oo uu mayracin jirey duleedka iyo buuraha Makkah, galabtiina soo carraabin jirey. Shaqooyin adag oo adeeg iyo dhib kujirta ayuu la deris ahaa intuu addoonka ahaa. Waxayse xaaladdii isbaddashay markii la soo saaray Muxammad ibnu Cabdillaahi (NNKH) nebi ahaan iyo rasuul, markaasoo Bilaal uu kamid noqday caaraddii kowaad ee ugu horreysay ee Muslimta. Bilaal wuxuu ahaa shaqsi uu Ilaahay u doortay inuu kamid noqdo kooxdii ama qeybtii yareed ee farakutiriska ahayd ee rummeysay nebigeenna Suubban (NNKH) horraantii dacwada Islaamka, wuxuusa ahaa nin qarsan jirey Islaamkiisa, jeer maalintii dambe uu ogaaday sayidkiisa Umayah bin Khalaf Al Jumuxi. Halkaas ayay ka billawdeen maalmihii madoobaa ee Bilaal lagu caddibayay jeer uu ku dhawaaday geeri iyo inuu ciqaabtaasi la dhinto. Haddiina raxmadda Eebbe aanay jiri lahayn, wuxuu Bilaal noqon lahaa mid la dawaqa xanuunkii ciqaabta ee soo gaadhay, dabeetana sababta inuu ka noqdo wixii laga reebayay oo ahaa Islaamka, taasoo ciqaabta lamarsiiyey marka loo eego ay adagtahay inalagu sii adkeysto. Wuxuuse Bilaal ahaa nin sugnaan iyo sabir badan, oo adkeysigiisii qiimaha badnaa uu ka ilmeysiin lahaa buuraha waaweyn, baduhuna ay la hirtuuri lahaayeen. Ku sabraha xaqa, adkeystaha sugnaanta badan, Abuu Cabdillaahi Al Xabashi waa shaqsiga uu magaciisa camiray dunida Islaamka, waana ninka uu Ilaahay ku suntay maanta inuu dhammaan umadda Islaamka u noqdo sayid la weyneeyo oo qiimo iyo qadarin aad uweyn ku leh qof kastoo Muslim ah agtiisa. Waa sidaase Alle kor ahaaye baanan dayicin ajarkiisii, oo ka yeelay mid markii la xusaaba la yiraahda Sayidkeenna Bilaal Ilaahay haka raalli noqdo. Inkastoo ay dacwadu cusbayd, Bilaalna uu ahaa nin maqlo hadalka abbaankiisa, oo adeeca, markii lagu yiri ka noqo rumeynta Muxammad (NNKH) iyo diinta uu la yimid, wuxuu lasoo baxay dabeecad aanu abbaankiisu horey ugu aqoon, taasoo ahayd inuu dafiro, oo uu iska diido amarkaas, wuxuuna yiri: ”Marna dhici mahayso inaan ka noqdo diintan uu layimid Muxammad (NNKH).” Hanuunka Alle kasokoow Bilaal wuxuu nin aqoon u lahaa nebi Muxammad (NNKH) oo arki jirey, yaqiinay runtiisa, iyo inuu ahaa nin akhlaaqdiisu ay Makka oo dhami ka sheekeysneed. Sidaas darteed buu durbaba bilaabay inuu u iisho dhanka xaqa oo uu ku mintida ilaa uu ku geeriyooda, asagoo taas yaqiin aad uweyn yaqiinsan inuu Alle ugu dhawaanaya. Nebi Muxammad (NNKH), xilligaasi iyada ahi awood umuu lahayn inuu difaaco, balse wuxuu ahaa markuu soo maraba mid u dhimriya oo kheyr ugu duceeya. Ciqaabtii Bilaal la marsiin jirey waxay ahayd mid aanan halnooc ahayd, balse kala duwanayd, waxaase ugu xanuun badnayd, midda intii la kaxeeyo markasta oo ay cadceedda Makka soo kululaataba oo la geeyo barxadda iyo bacaadka luleelka badan, baa asagoo xabad qaawan la seexin jirey carradaasi dusheeda, dabeetana dhagax weyn oo sallax ballaaran ah oo kulul loo saari jirey xabadka iyo caloosha. Intaas loogama hari jirine waxaa loogu sii dari jirey xaaladda noocaas ah jeedal iyo in lala dhaca xarig aad u adag oo xanuun badan. Sugnaantii iyo sabirkii Bilaal waxay sababtay inaanu wax kale afkiisa kasoo bixin markastoo lagu yiraahdo ka laabo diintan ama ciqaabta loo siyaadiyaba, mooyaane inuu yiraahda: {Axadun Axad} ”Alle waa keli, Alle waa keli”. Oraahdaas oo uu ku celcelin jiray mar walba intuu xaaladdaasi ku jirey. Ciqaabta kale ee ugu darneed oo la marsiin jirey waxaa kamid ahayd, in qoorta loo suro xarig oo lagu adkeeyo ayaa lagu wareejin jirey magaallada, oo carruurta iyo haweenka ayay dhagaxyeyn jireen, saa asagoo dhiigga ka hooraya oo dhimasho ku dhaw la xarayn jirey, maalinta dambena ciqaabta sidaas loogu wadi jirey. Markaas buu Nebigu (NNKH) aad ula murogooday, oo ka uu ka xumaaday ciqaabta joogtada ahi ee lagu hayo Bilaal oo aanan awoodi karin wax kale iyo xeelad uu isaga fakiya makastaasi nolasha ku ciqaabayso. Markaasuu u tegey Abuu Bakar oo ahaa nin maalqabeen ahaa, oo xorreyn jirey addoomada, markaasuu ka codsaday inuu xorreeyo Bilaal, dabeetana Abuu Bakar baa soo maray halkii uu Umayah ku ciqaabayay Bilaal, markaasuu ku yiri: ”War ma iga iibsatid addoonkaan”? Markaasuu Umayah arrintaasi ku farxay, waayo wuxuu u arkayay nin madax adag oo haddana aanan dhimanayn, ciqaabtiisana uu ku daallay, markaasuu qiimo culus sheegtay, saa Abuu Bakar baa ka iibiyey oo qiimihii siiyey, dabeetana Bilaal xorreeyey. Markaas buu Nebiguna (NNKH) aad ugu farxay una duceeyay Abuu Bakar. Waxaa kaloo la sheegaa in Abuu Bakar uu ku baddashay addoon kale oo gaal ahaa, oo u joogay, Allaah baase naga og. Xilligaasi isaga ahi kadib Bilaal wuxuu kamid noqday saxaabadii waaweyneed ee ka ag dhawayd nebiga (NNKH), wuxuuna noqday nin xor ah, kadib ciqaab iyo xanuunno badan oo uu soo maray. Wax badan kama soo wareegin jeer ay buuxsantay bicathadii nebiga 13 sano, markaasoo saxaabadii ay u soo qaxeen magaallada Yathrib. Bilaal wuxuu kamid ahaa caaraddii dhexe ee hijradaasi isagoo u jaray masaafo 500 km ah ama ka badan si uu u raadsado meel uu Rabbigiisa si xor ah ugu caabudo. Caa’isha (RACh) waxay tiri: ”Markii Rasuulka (NNKH) uu Madiinah yimid baa Abuu Bakar iyo Bilaal ay xanuunsadeen, saa waan usoo galay oo aan ku dhahay ”Aabbo sideed tahay? Bilaaloow!! adiguna sideed tahay”? Waxay tiri ” Abuu Bakar markay qandho qabato wuxuu oranayay”:- ”Qofkastaa reerkiisuu ku waabariistaa, mowdkuna uga dhaw kabihiisa suunkooda”. Bilaalna wuxuu lahaa ”Alla maan habeen baryo tog ay hareerihiisa ku yaallaan geedka Idda-kharka buurta Jaliil, oo maan maalin u arooro biyihii Majinnah, oo may ii muuqdaan labadii buurood Shaama iyo Dhufayl”. Tani waxay muujineysaa hillowgii uu u qaaday Bilaal magaaladii uu kusoo barbaaray ee Makkah, laakiin markii ay Caa’isha uga warrantay qisadaasi Rasuulka (NNKH) buu u duceeyay magaallada Madiinah oo uu yiri: ”Allahayoow!! na jecleysii magaallada Madiinah, sidii aad noo jecleysiisay Makkah, ama si kasii daran, oo barakee darkeeda iyo koombadeeda, oo xumaddeedana naga dulqaad oo u rar Juxfa”. Ducadaasi qiimaha badan Ilaahay waa aqbalay, saxaabadiina waxay noqdeen kuwo jeclaada magaalladii Madiinah in ka badan jacaylkii ay u qabeen Makkah, waxayna noqotay mid uu sabab u ahaa saxaabigan Jaliilka ahi ee Bilaal bin Rawaax. Ku nagaashihii Bilaal ee horraantii hijriyada wax badan kama soo wareegin jeer, uu Rasuulka Alle (NNKH) billaabay inuu lasoo baxa xikmaddiisii iyo xeeshiisii gunta dheereed, ee uu ku dhisay dowladda ugu horreysay ee Islaamka. Wuxuu bilaabay tallaabadii kowaad oo ahayd walaaleyntii Muhaajiriin iyo Ansaar, markaasoo Bilaal uu nasiib u yeeshey in lala walaaleeyo saxaabi fadli badnaa oo Muhaajiriinta kamid ahaa. Bilaal nasiib umaanu yeelan in lala walaaleeyo Ansaarta, waxaana lala walaaleeyay Abuu Cubaydah Caamir bin Cabdillaahi Al Jarraaxi, oo kamid ahaa saxaabadii ugu fadliga badnayd asxaabta, misna kamidka ahaa tobankii Jannada loogu bishaareeyey, ee haddana ugu horreeyey ee qaata dacwada diinta Islaamka. Ninkan Bilaal lala walaaleeyay waa amiinkii umadda Nebi Muxammad (NNKH), waana ninka uu Cumar xaggiisa ka yiri markuu geeriyoonayay: Haddii uu noolaan lahaa Abuu Cubaydah, waxaan uga tegi lahaa khilaafada (masuuliyadda umadda), waayo waxaan maqlay rasuulka Alle (NNKH) oo oranaya: Abuu Cubaydah bin Al Jarraax, waa amiinka umaddan Ninkaas qiimaha badan ayaa Bilaal uu Rasuulka Alle (NNKH) u doortay inuu la walaaleeyo. Tallaabadii labaad ee Rasuulka (NNKH) uu sameeyay markuu yimid Yathrib (Madiinah) waxay ahayd dhisiddii masjidka, oo ahaa xaruntii umadda laga hagayay, salaadahana lagu gudanayay. Xilligaasi waxaa laga dooday sidii loogu yeeri lahaa dadka xilliga saladda. Qaar kamid ahayd asxaabtii nebiga (NNKH), waxay soo jeediyeen fikrad ah in la garaaco bir, sida nasaarada oo kale, qaarna in buun la yeeriya sida Yahuudda oo kale, laakiin labada talo ee ficilladaasu Rasuulku (NNKH) ma cajabinin. Waxbadan kama soo wareegin jeer Cabdillaahi bin Zayd bin Rabbih oo kamid ahaa asxaabtii reer Madiinah uu ku riyooday aadaanka, markaasuu ibnu Zayd u tegey Rasuulka (NNKH), oo uu uga warramay wixii uu ku riyooday, markaasuu nebigu (NNKH), amray inuu Bilaal baro aadaanka, suu baray, oo nebiguna (NNKH), u doortay muddankiisii kowaad. Bilaal wuxuu ahaa nin aad u cod dheer, una cod macaan, sidaas ayuu nebigu (NNKH) ugu doortay inuu noqdo muddankiisii kowaad, tiiyoo meesha aanay ka marnayn fadligii iyo darajadii uu heerkaasi ku gaaray. Wuxuu noqday muddankii kowaad ee Islaamka, ee umadda salaadda ugu yeeri jirey, sidoo kalena toosin jirey nebiga (NNKH) xilliga salaadda. Waxaa sugnaatay in nebigu (NNKH) uu mar ku yiri: ”Bilaaloow!! inoogu raaxeey salaadda”. Fadaa’ishiisana waxaa kamid ah in mar nebigu (NNKH) uu yiri: Waxaan galay Jannada, saa waxaan maqlay sanqadha kabahaaga Bilaaloow!!, ee bal inoo sheeg waxa aad samayso Markaasuu yiri ”Wallaahi camal qaas ah ma sameeyo, aanan ka ahayn, in markastoo aan weyseysto aan tukado labo rakaco oo aanan farad ahayn”. Waxaa kaloo sugnaatay in uu Cumar markuu arka Bilaal uu oran jirey ” Bilaal waa sayidkeennii uu xoreeyay sayidkeennii (Abuu Bakar).” Darajada Ilaahay cidduu siiyo uunbaa heshee, Bilaal oo ahaa addoon la yasa, oo lagu shaqeysta, Islaamku wuxuu gaarsiiyey martabad cajiib ah, oo aad u qiima badan. Wuxuu noqday haddii uu gabadh doono inaan loo diidin. Waxaa waayadii dambe dhici jirtay, haddii nin kamid ah Muslimiinta ama saxaabada nebiga (NNKH) uu damco inuu reer gabadh ka doonto, inuu u tegi jirey marka hore Bilaal, oo uu ka codsan jirey inuu la doono gabadhaas, waayo waxaa caan ahayd oraah ay Muslimiinta dhexdooda is oran jireen ”Bilaal gabadhuu doono lama diido”. Reerka gabadha laga doonaya badanaa haddii aanu ragga gabadha doonay uu lasoconin Bilaal ma aanay bixin jirin gabadhooda. Qolo gabadh dooneysa oo uu Bilaal la socdana maloo diidi jirin, mana dhicin in marna loo diido. Bilaal ibnu Rabaax, saxaabigan Jaliilka ahi, wuxuu guursaday gabadh aad u qiima badan, oo ka dhalatay reerka abtiyaasha u ahaa nebigeenna (NNKH). Reer banii Zuhra oo kamid ahaa reerka ugu qiimaha iyo sharafta badnaa Qureeshta marka laga yimaado reer Haashim ayay ka dhalatay xaaskii Bilaal, waxaana la oran jirey Haalah bint Cowf, taasoo la dhalatay saxaabiga Jaliilka ahaa ee Cabdiraxmaan bin Cowf oo kamid ahaa tobankii Jannada loogu bishaareeyey. Bilaal wuxuu nasiib u yeeshay inuu ka qeyb qaato dhammaan dhaqdhaqaaqyadii uu hoggaaminayay nebigeenna suubban (NNKH), oo idil, wuxuuna xaadiray duullaankii weynaa ee Bader isagoo wacdara muujiyey. Wuxuu kamid ahaa raggii kufaarta sanaaddiiddii Qureesheed madaxa ka jaray maalintaasi. Cabdiraxmaan bin Cowf oo ahaa mid kamid ahaa saxaabadii ugu fadliga badneyd asxaabta nebiga (NNKH), kana midka ahaa lixdii ugu horreysay ee ku Islaamta dacwada diinta Islaamka, ayaa kamid ahaa dadkii dagaalkan Bader xaadirey. Ibnu Cowf waxay magaallada Makkah markii la joogay ay saaxiibbo ahaayeen ninkii addoonsan jirey Bilaal oo la oran jirey Umayyah bin Khalaf Al Jumaxi. Markiina uu Islaamay Cabdiraxmaan wuxuu ka tegey saaxiibtinnimadiisii oo ka doortay Allaah iyo rasuulkiisa. Maalintii Bader, markii ay jabeen kufaartii Qureesheed oo in badan oo kamid ah la qabqabtay, ayaa Umayyah wuxuu kamid ahaa raggii xeeladda ay ku baxsadaan waayay, markaasuu arkay Cabdiraxmaan bin Cowf oo uu ugu yeerey magacii jaahiliyada uu u yaqaannay (Cabdi Camaroow!!). Waar makuu sugnaatay inaad aniga iyo wiilkeygaba na qafaalato oo aad hadhow qaadato madax furasho wixii aad doonto ah Markaasuu Cabdiraxmaan qafaashay asaga iyo wiilkiisiiba oo xarig ku giijistay. Saxaabada dhexdooda waxay ahayd caado inaanay isu daba marin qafaalkooda, oo qof ninka uu soo qafaasho waa lagu ixtiraami jirey. Bilaal oo isqaadqaad iyo laynta cadawga kasoo faaruqay ayaa indhaha qac kusiiyey Umayyah ibnu Khalaf iyo wiilkiisii oo isla xiran, oo Cabdiraxmaan uu wato. Markaasuu Bilaal af muggii dhawaaqay asagoo oranaya ”Waa Umayyah, Cadawgii Ilaah, Ilaahay ima badbaadiya haddii aan badbaadiya”. Dabeetana wuxuu u yeertay Ansaartii Madiinah, asagoo oranaya Ansaareey!! waa kan cadawgii Ilaahay ee Umayyah, Alloow!! aanan badbaadin haddii uu badbaado”. Cabdiraxmaan bin Cowf ayaa qayliyey oo yiri: ”Bilaaloow!! ninku waa qafaalkeyga”. Markaasuu Bilaalna yiri ”Alloow!! aanan badbaadin haddii uu badbaado”. Dabeetana seefihii ayaa lagu billaabay. Wuxuu yiri Cabdiraxmaan ”Markii aan arkay waxa dhacay ayaan ku dhahay Umayyah, waa adiga iyo naftaada”. Raggii goobtaasi dhawaqa Bilaal ku yimid ma ahayn oo keliya Ansaarta, balse codka Bilaal inay ajiibaan waxaa u nuglaa saxaabada oo dhan, kuwooda Muhaajiriinta iyo kuwooda Ansaarta ahba. Waxaa kamid ahaa raggii goobtaasi yimid Cammaar bin Yaasir Al Canasi oo kamid ahaa asxaabtii fadliga badneyd ee nebigeenna (NNKH), kana mid ahaa raggii usoo dhibtooday diintan. Cammaar wuxuu diley wiilkii Umayyah, Bilaalna wuxuu diley Umayyah, oo ay la dileen asxaabtiisii. Asxaabtii oo idil ayagoo maqlaya hadalka Cabdiraxmaan bin Cowf ee ah ”War waa qafaalkeyga”, ayaanay ajiibin, oo ay yeeleen hadalkii Bilaal, taasoo ku tusineysa sha’nigii iyo weynidii uu Bilaal ku lahaa saxaabada agtooda. Dhacdadaasi halkaasi ka dhacaysa, waxaa ku dhaawacmay Cabdiraxmaan bin Cowf, oo seefihii Muslimiinta ay lugta ka dhaawaceen, wuxuuna oranayay Cabdiraxmaan markaasi asagoo dhutinaya ”Ilaahay ha u naxariista Bilaal’ee wuxuu imootiyay qafaalkeygii, lugteydiina wuu dhaawacay”. Dagaalkii Uxud wuxuu kamid ahaa raggii ugu horreeyey ee soo laabtay kadib markii ay jabeen asxaabtii nebiga (NNKH). Markii la furtay magaallada Makkah, sanadkii 8aad ee hijiriga, wuxuu Rasuulka (NNKH) la galay gudaha kacbada Bilaal bin Rabaax iyo Usaamah bin Zayd oo uu aad u jeclaa. Wuxuu mar kale Bilaal nasiib u yeeshey isagoo ahaa mu’adankii kowaad ee Islaamka, inuu mar kale noqdo mu’adankii kowaad ee xaramka Makkah. Intuu nebigu (NNKH) kusugnaa magaallada Makkah oo dhan asaga ayaa u addimayay salaadaha, markiina uu nebigu (NNKH), kasoo tegayay magaallada ayuu mu’adan uga dhigey Abuu Maxduur Samurrah bin Mixjan Ath-Thaqafi oo wiil dhalin yaro ahaa. Bilaal wuxuu ku baaqi noqday magaalladii nebiga (NNKH) oo uu mu’adan ka ahaa intuu nebiga (NNKH) noolaa oo dhan, markiina uu nebigu (NNKH), geeriyooday waxaa Bilaal ka xoog badisay murugadii uu u murugooday xabiibkeenna suubban (NNKH), wuxuuna go’aansaday inuu isaga tego aadaanka kana mid noqday Musalliintii saxaabada.
Nolosha kuligeed waa challenge nolosha gabigeedaba waa qabaad nolosha fadhiga cid ku dharagtaa waa yar tahay Nolosha waa dadaal iyo caqabad la rabo in laga tilaabo Laakiin insaanku dhubta tirada badan uma adkeesto illaa iyo Ilaahay xiriir dhab ah la leeyahay mooyaanee يَا أَيُّهَا الْمُزَّمِّلُ (1) قُمِ اللَّيْلَ إِلَّا قَلِيلًا (2) نِّصْفَهُ أَوِ انقُصْ مِنْهُ قَلِيلًا (3) أَوْ زِدْ عَلَيْهِ وَرَتِّلِ الْقُرْآنَ تَرْتِيلًا (4) ilaahay wuxuu leeyahay kan is duuduubayow kac kan is dadyow baa la yiri kac oo ilaahay isu taag marka dhibi ku qabsato noolsaha caadiga hadii adigu aad iska qaadi weydo maxaa sameysaa sida biniaadanka lagu yaqaan waxa weeyaan inuu fakiro asxaabtiisa iyo cidduu xirirka la lahaa wa maanta yaa ku caawin kara tusaale problem dhaqaale kugu dhacay marka koowaad aad mushkilada xaliyi kari weysaa markaa markiba maskaxdaada waxaa kusoo dhaceeso mirarki xirirrkiinu fiicnaa ama hanti haystay ama wax ku dhaamo war bal wax i amaahi inaad wax ka weydo iyo inaad wax ka heshaa waa suurto gal qofka muslimka ee dhabta ahi markay dhibi ka hortimaado xalka koowaad uu raadiyaa waxa weeyaan Rabbu samaawaati inu xiriir la sameeyo ilaaha gacantiisa wax waliba ku jiraan albaabkiisa inuu garaaco saa awgeed baa nabi maxamed markey dhibta ka hortimi ilaahay wuxu leeyahay يَا أَيُّهَا الْمُزَّمِّلُ (1) قُمِ اللَّيْلَ إِلَّا قَلِيلًا (2) kan is dadayow ka is duudabayow kan habeenka intiisa badan in yar mooyaane nuskii ama wax yar ka yareey kulama xiriirka aynu rabi la leenahay uu daciifo isbadalka noolasheena ee xaga xumihi wuu degdegayaa markastoo xoogeesto xiriirkaa ilaahay la leedahayna xajisadaa xajisaneyso diinkaaga wuu xoogoobayaa يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اصْبِرُوا وَصَابِرُوا وَرَابِطُوا وَاتَّقُوا اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ kuwa iimaanka laga helow sabra oo la sabar dhigta mushaakilka wuu badan donaa waa biniaadan wax idin ka or imanayo yee idin ka sabar badin baa ilaahay leeyahay saxaabadii iyo Nabiga markey masaailkaa ku adkeesteen nolosha umey fududeyn nolol adag bey la kulmeen qaar la torture gareeyo qaar la dilo isagoo nabi Maxamed arkayo CSW qaar sida loo turture gareenayay marki ugu dambeesay laga sii daayay مِّنَ الْمُؤْمِنِينَ رِجَالٌ صَدَقُوا مَا عَاهَدُوا اللَّهَ عَلَيْهِ ۖ فَمِنْهُم مَّن قَضَىٰ نَحْبَهُ وَمِنْهُم مَّن يَنتَظِرُ ۖ وَمَا بَدَّلُوا تَبْدِيلً Mu'miniinta waxaa kamida rag ka run sheegay waxay ilaahay u ballan qaadeen ka run sheegay wixii ballan ee ilaahay la galeen, waxaa kamida qaar sidaa ku dhintay iyagoo jidkii ku taagan iyo qaar sugaya wadadaas iney hayaan walidaalik ayuu nabiga CSW wuxuu ku tilmaamayaa anas bin malik xadiis kaso arooray يأتي زمان على أمتي القابض على دينه كالقابض على جمرة من النار daka waqti baa ku iman doona qofku diintiisa inuu heesto oo ku dhagnaado ay la mod tahay nin dhuxu heesta yacni waa challenge adag waqti ay diintu sidaa ku noqon doontaa imaan doonta إِنَّ مِنْ ورائِكُم زمانُ صبرٍ ، لِلْمُتَمَسِّكِ فيه أجرُ خمسينَ شهيدًا منكم maalmaha dambe qofku inuu diintiisa ku dhagnaado uu lamid yahay 50 idinka idin kamida asal ahaa ilaahaybquraanka wuxuu ku yiri وَإِن تُطِعْ أَكْثَرَ مَن فِي الْأَرْضِ يُضِلُّوكَ عَن سَبِيلِ اللَّهِ ۚ dadka inta badan hadaa maqasho jidka ilaahay wey kaa luminayaan qolona maanta waxay inoo tilmaayaan bulshooyinka koox yar baa hogaamiso bulshooyinka weyn xagii loo kaxeeyo bey aadayaan dadkuba waxay ka dhigeen dad xera ku jira iney yihiin xoolahaa uu xagii loo sahan geeya u dareera kolba iney yihiin laba doorasho uun baan heysaana mid saddexaad ma jiro options waa labo uun inaad waxaada ilaashaneeso sidaa u ilaashan lahaydna inaacaqligeeda keeneeso dheeraadkana markaa aad raadsaneeso option ka kale waa inaad iska noqoto oo wixii awalba aad kasoo baxday aad waajahdo kan saddexaadna wa inaad dhimaataa ”Oo miyaanan ka xishooneyn qof ay Malaa’igtu ka xishooneyso”? [Sidaa waxaa yiri Rasuulkii Alle ((scw)). Kanina waa saxaabi jaliil ah oo kamid ah saxaabadii Nebi Muxammed (scw) ee akhyaarta ahayd, khaliifkii saddexaad ee khulafaa’u Raashidiinka iyo amiirkii labaad ee Mu’miniinta, oo kamid ah kuwii ugu horeysay ee islaamtay, waa mid kamid tobankii jannada loogu bishaareyay iyagoo nool oo misna kamid ah lixdii ahlu shuurada ee uu Cumar howsha Islaamka uga tegay. Waxuu caan ku ahaa sama fal, suubanaan iyo sifooyinkii islaamka oo idil ka hor intaan lasoo dirin Rasuulka (scw). Waxuuna iska daba guursaday laba gabdhood oo uu dhalay Rasuulka (scw), waana qofka kaliya ee iska daba guursaday laba gabdhood oo walaalo ah misna uu dhalay Nebi. Sidaa darteed baa waxaa loo yaqaannay oo uu laqabkiisu ahaa Dun Nuureyn oo la macna ah Kii labada nuur u saaxiibka ahaa. Rasuulkuna (scw) waxuu geeriyooday isagoo ka raalli ah. Waxuu lahaa weji quruxoon, tima badan dhanka madaxa, waxuu ahaa mid dhex dhexaad ah, ma uusan gaabneyn, mana dheereyn waxuu lahaa gadh weyn, waxuuna gacmaha iyo luguhuba ku lahaa timo badan (xaad), ishii eegtaa ma qabaneyn kasii jeeso bal ee waxayba u ahayd il qabowsi iyo raxmad. Waxuu ahaa mid masaakiintu ay ku farxaan markii ay arkaan sidaa si lamid ahna qofkasoo Muslim wuu jeclaa, waxuu ahaa deeqsi had iyo jeerna wax bixiya, oo cibaado badan soon iyo salaad badan, waxuuna hal rakaco ku qatimi jiray Quraanka oo idil. Samankiisii waxaa batay hantidii beytul maalka, waxuuna masjidka Rasuulka (scw) amray in la dhigo hilib soolan si masaakiinta, musaafirka, kuwa ku ictikaafa masjidka iyo dadka kaleba ay u cunaan, mararka qaarkood waxuu xaajada Muslimiinta ku gudi jiray maalkiisa gaarka ah, isagoo oran jiray waxaan dhiganayaa Allaah agtiisa. Maxaa ka wanaag badan ruux hantidiisii dhigtay Allaah agtiisa. Markii la dilayey waxuu ka tegay hanti dhan 530 000 000 (shan boqol iyo soddon kun oo kun) oo Dirham ah iyo 100 000 (boqol kun) oo Diinaar, waxuu kaloo ka tegay 1000 awr, waxuu kaloo ka tegay hanti saddaqo uu ula baxay oo culus, waxaana kamid ahaa ceelkii Ariis, maal u yiillay kheybar iyo hanti u taallay Waadil Quraa oo lagu qayaasay 100 000 Diinnaar, waxuu kaloo ka tegay ceelka la yiraahdo Bi’ru Ruumah kaasoo waqtigii Nebiga (scw) uu ka gatay nin Yahuudi ahaa. Saxaabigaan jaliilka ah akhristoow waxaa aabahii la oran jiray Cafaan bin Abil Caas bin Umaya bin Cabdshams bin C/manaaf bin Qussay bin Kilaab bin Murrah bin Kacab bin Lu’ayi bin Qaalib bin Fihir bin Maalik bin Nadar bin Kinaanah bin Khuseymah bin Mudrikah bin Ilyaas bin Mudar bin Nizaar bin Mucad bin Cadnaan, oo waxuu ka dhashay Qureesh gaar ahaan jilibka banii Ummaya oo u xilsaarnaa dhanka hoggaanka ganacsiga ee Qureeshta. Sidaa darteed waxuu Cafaan ahaa oday ganacsada ah oo Makka iyo marinnada ganacsiga oo idil ka sheegan oo laga yaqaan. Dhanka kale waxaa hooyadii la oran jiray Arwaa bint Kureys bin Rabiicah bin Xabiib bin C/Shams bin C/manaaf bin Qussay, taasoo ay ilma adeer labaad ahaayeen aabahiis Cafaan bin Abul Caas, waxaana dhashay Arwaa Rasuulka (scw) eeddadiis Ummul Xakiim Baydaa bint C/Mudalleb, sidaa darteed waxay Ummu Xakiim u ahayd saxaabigaan ayeeyo, Rasuulkuna (scw) waxuu ugu toosnaa abti labaad maadaama ay dhashay gabadhii eeddadiis Ummul Xakiim ee Arwaa bint Kureys. Ma sii foga halka ay nasab ahaan ku kulmaan asaga iyo Rasuulka (scw) oo waxay ku kulmaan odayga C/manaaf bin Qussay, kaasoo ah awoowga 3aad ee Rasuulka (scw) iyo awoowga 4aad ee saxaabigan , haddaba dhankanna waa ay ka kulmaan Rasuulka (scw) iyo isaga oo markanna waxuu u noqon adeer, sidaa darteed waa saxaabiga kaliya ee Khulufaa’u Raashidiinta ama tobanka Jannada loogu bishaareeyay kamid ah, kaasoo qaraaba sidaa u sokeysa la ahaa Rasuulka (scw) marka laga reebo Cali bin Abii Dhaalib. Saxaabigan Jaliilka ahi waa Cuthmaan bin Cafaan bin Abul Caas, waa saxaabiga lagu amaanay inuu ummadan Nebi Muxammed (scw) ugu xishood badan yahay, waana mid kamid ah saxaabadii dulqaadka iyo deeqsinnimada badnaa, waxuu ahaa mid naf iyo maalba u huray fidinta dacwada diinta Islaamka, oo waxuu ahaa mid Qureeshtu oo idilba ay jecelyahiin. Waxay haweenka Quresheed carruurtooda ku maaweelin jireen iyagoo leh weedha tan:” Hooyoow! waxaan kuu jeclahay sida ay Qureesh Cuthmaan u jeceshahay oo kale”. Taasi waxay ina tusineysaa sidii ay Qureeshtu u jecleyd Cuthmaan bin Cafaan iyo darajadii uu agtooda ka joogay ka hor intaanan lasoo dirin Rasuulka (scw) iyo kadibba. Haddaba waxaanan shaki ku jirin inuu Cuthmaan bin Cafaan ahaa saxaabi la jeclaada, tanna waxaa u saamaxday markii uu geeriyooday aabahiis Cafaan bin Abul Caas buu hantidiisii gacanta ku dhigay oo uu noqday nin baayacmushtari ah oo ganacsada geyiga oo idil caan ka ah noqday, tiiyoo halkaa ay kasoo shaac baxday gacan furnaantiisii iyo deegsinnimadiisii oo ummaddii oo idil wada jeclaatay. Waxuu Cuthmaan ku dhashay magaalada Dhaa’if 8 ama 7 sano kadib dhalashadii Rasuulka (scw) waxaa kaloo la sheegaa inuu Makka ku dhashay, waxuuna jiray markii Rasuulka (scw) lasoo dirayey 32 sano. Aabahii markii uu ka geeriyooday kadib hooyadii waxaa guursaday oo kaga dambeeyay Cuqbah bin Abii Mucayd oo isagu odayaashii banii Ummaya kamid ahaa, waxayna u dhashay 3 wiil iyo hal gabar, kuwaasoo la kala oran jiray: Al Waliid bin Cuqbah, Khaalid bin Cuqbah, Camr bin Cuqbah iyo Ummu Kalthuum bint Cuqbah bin Abii Mucayd, waxaana jirtay gabar isaga ( Cuthmaan ) la aabo iyo la hooyo ahayd oo la oran jiray Aaminah bint Cafaan. Khaalid bin Cuqbah bin Abuu Mucayd (magaca Abii Mucayd waa Abaan) bin Abii Camr (magaca Abii Camarna waa Dakwaan) bin Umayah bin C/Shams isagu wuu Muslimay waxuuna noqday saxaabi jaliil ah, waxuuna Islaamay maalintii furashadii Makka, waxuuna kamid ahaa dadkii Cuthmaan difaacayey maalintii la dilayay Cuthmaan, sida inoo iman doonta hadduu Alle idmo. Al Waliid bin Cuqbah isagu waxuu noqday Saxaabi jaliil ah, waana saxaabigii uu Rasuulka (scw) u diray dhanka banii Musdhaliq si uu sakada uga soo qaado, dabeetana u maleyay in ay doonayaan inay dilaan oo Rasuulka (scw) ayuu Madiina ugu yimid, waxaana ku soo degtay arrintaas saddarro kamid ah Suuradda Xujraad. Mar buu Cuthmaan masuul uga dhigay Kuufa oo haddana uu ka casilay sida iyana inoo iman doonta inshallah waxuuna ahaa waali caadil ah oo xitaa albaabkiisa wuu furnaan jiray, waxaa kaloo lasheegaa inuusan albaabba lahayn gurigiisa Kuufa. Ammaa Ummu Kalthuum bint Cuqbah iyadu waxay ahayd Muhaajiraddii ugu horeysay ee iyadu kaligeed hijroota, waxayna soo hijrootay kadib dhacdadii Xudeybiyah, Rasuulkuna (scw) ma uusan celin. Cuthmaan bin Cafaan waxuu u hijrooday dhulka Xabashida isagoo ahaa saxaabigii hoggaaminayey saxaabadii u hijrootay hijradii koowaad carriga Abasiinya (Xabashida). Waxuu kamid ahaa dadkii u hijrooday magaalada Madiina, waxuuna horey Rasuulka (scw) ula walaaleeyay Cabduraxmaan bin Cowf markii uu Muhaajiriinta dhexdooda walaaleynayey, markii Madiina la yimid oo Ansaarta iyo Muhaajiriinta dhexdooda la walaaleynayeyna waxuu la walaaleyay Aws bin Thaabit Al Khazraji oo la dhashay Xassaan bin Thaabit. Islaamidda Cuthmaan bin Cafaan marka ay Culimada mu’arrakhiinta wax ka qorayaan waxay tilmaamaan in sifooyinkii Cuthmaan bin Cafaan ka hor islaamka ayba iska ahayeen sifooyinkii islaamka. Sidaa darteed maalin baa waxaa wax u sheegtay habaryartiis Sucdaa bint Kureys oo iyadu ahayd curraafad wax sheegta ama faalliso, waxay usheegtay in Nebi lasoo saari doona goor aan sidaa u fogeyn, waxayna kula sii talisay in uu raaco Nebigaas. Haddaba Cuthmaan isagoo arrintaa la fajacsan buu maalin yimid golahii Abii Bakar Sidiiq oo markaa cidlo ahaa. Goor cabbaar ah markii uu meeshii joogay ayaa waxaa u yimid Abuu Bakar oo uu arrintii habaryartii ay u sheegtay uga warramay. Markii uu Abii Bakar ka dhageystay warkii Cuthmaan buu ku yiri:- War hooge! Cuthmaan Illaah baan ku dhaartaye waxaad tahay nin go’aan leh oo uusan xaqu baadilka kaga dhex dhuuman karin, kuwan sanamyada ahi ee ay caabbudayaan tolkaa, oo miyaanay ahayn kuwa indha, dhego iyo afba la’ waxna maqlahayn oo waxna arkayn, oo waxna aan dhibayn waxna aan tareynin? Markaa buu yiri :- Haaheey! Illaah baan ku dhaartaye waa sidaa. Waxuu yiri Abuu Bakar:- Haddaba waa kan Muxammed uu Allaah u soo diray dhammaan khalqiga si uu dhambaalkiisa u gaarsiiyo,ee ma dooneysaa inaan kuu geeyo oo aad wax ka dhageysato? Markaa buu Cuthmaan yiri:- Haa. Iyagoo xaaladdaas ku sugan baa waxaa soo maray Rasuulkii Alle (scw), markaasuu Abuu Bakar xaggiisii u dhaqaaqay oo misna si hoos ah wax ugu sheegay, Rasuulkuna (scw) waxuu usoo dhaqaaqay dhankii Cuthmaan isagoo dhoola caddeynaya, waxuuna ku yiri:- War Cuthmaanoow! ajiib Allaah iyo Janno, anigu waxaan ahay ergaygii uu Alle usoo diray adiga iyo dhammaan khalqiga oo idile”. Waxuu yiri Cuthmaan:- Illaah baan ku dhaartaye, waxba maanan sii hanan markii aan hadalkiisa maqlay illaa aan ka islaamo, oo aan ka qira inuusan jirin Allaah la caabbudo oo aanan ka ahayn Illaah, xaal uu yahay kali oo aanay jirin wax cibaadada lala wadaajiyo, Muxammedna (scw) uu yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii (scw). Dabeetana ma aanan sii nagaan jeer uu Rasuulka (scw) iiga guuriyey gabadhiisii Ruqayah bint Muxammed (scw). Waxaana la oran jiray:- Laba is qabto oo zowjeyn ah waxaa ugu wanaag badan Cuthmaan iyo Ruqaya. Waxuuna guurkoodu dhacay kadib soo saariddii Nebiga (scw). Sababtuu Rasuulka (scw) ugu guuriyey Ruqayo Cuthmaan waxay ahayd in markii hore uu labadiisa gabdhood ee Ruqayo iyo Ummu Kalthuum uu u kala guuriyey labadii wiil ee adeerkii Abuu Lahab kuwasoo kala ahaa Cutbah oo uu u guuriyey Ruqaya iyo Cuteybah oo uu u guuriyey Ummu Kalthuum. Markii Rasuulka (scw) lasoo diray oo ay colaadiyeen shisheeya iyo sokeeyaba, Abuu Lahab waxuu kamid ahaa dadkii colaadiyey waxuuna ahaa mid kamid adeerradii Rasuulka (scw) in kastoo u ahaa midkii ugu kheyrka darnaa. Waxuu Rasuulka ku colaadiyey nooc waliba oo colaadda kamid ah, haddii ay noqon lahayd goyn rixim iyo gamashleyn inta uu gadaal kamaro uu marka uu dacwada dadka ugu yeerayo ku oran jiray waa walan yahay waa saaxir iyo eraya lamid ah oo dadkii kasii didinayey. Arrinta ugu foosha xun ee uu Abuu Lahab ku sameeyay Rasuulka (scw) ayaa waxay ahayd inuu labadiisa wiil ku yiri: ‘’Haddeydaan Muxammed gabdhahiisa u furin wejigiinnu wejigeygu waa ka xaaraan.‘’ Waxay gaadhay heerkaas colaaddii uu Abuu Lahab ku hayey Rasuulka (scw). Waxaana ku taageertay colaaddaas foosha xun afadiisii il kheyr ma saartada ahayd ee Ummu jamiil Arwaa bint Xarbi bin Umaya. Markaas buu Rasuulka (scw) u guuriyey Cuthmaan gabadhiisii Ruqaya bint Rasuulillaah ayay iyadu ula hijrootay hijradii dhulka Xabashida ee kowaad sanadkii 5aad ee Nebinnimada, waxayna ahaayeen ahlu beydkii ugu horeyay ee hijrooda kadib Nebi Ibrahiim CS iyo Nebi Luud siduuba Rasuulka yiri, markii ay hijroonayeen. Waxuu mar kale u hijrooday Cuthmaan bin Cafaan dhulka Xabashida isagoo ay la socota afadiisii Ruqayah bint Muxammed (scw), waxuuna ahaa amiirkii kooxdii Muhaajiriinta ee dhulka Xabashida u hijrootay labada jeer, kuwasoo uu afhayeen u ahaa Jacfar bin Abii Dhaalib. Midna (Cutbah ama Cuteybah) lama uusan aqal galin gabdhahii Rasuulka (scw) oo intayan la aqal gelin buu Alle Sarreeye soo dejiyey Suuradda Masad oo cadaab iyo hoog ugu bishaareyneysay Abuu Lahab iyo ooridiisii afka dheereyd ee Ummu Jamiil bint Xarbi. Tanna waxay ahayd karaama iyo sharfid uu Alle ku sharfayey qoyskii reer Muxammed (scw). Waxuuna markaa Rasuulka (scw) u guuriyey gabadhiisii Ruqayah mid ka kheyr badan Cutbah bin Abii Lahab. Waxay Ruqaya Cuthmaan u dhashay wiil loo baxshay Cabdullaahi kaasoo ka geeriyooday isagoo lix jir ah, waxaana isha ku dhuftay diiq oo dabeeta ay barartay illaa uu markii dambe ka geeriyooday bishii Jamaadul Awal sanadkii 4aad ee hijriyada, Rasuulka (scw) baana ku tukaday, waxaana qabriga dhigay aabahiis Cuthmaan bin Cafaan. Ummu Kaltuum iyadu waxay la joogtay aabaheed jeer ay Ruqaya dhimatay kadib dhacdadii Bader, markaa buu Rasuulka (scw) Cuthmaan u guuriyey Ummu Kalthuum bint Rasuulillaah (scw), taasoo iyana ka geeriyootay sanadkii 9aad ee hijriyada, waxuuna markaa Rasuulka (scw) yiri:- Haddii ay gabadh kale ii joogi lahayd waa aan kuu guurin lahaa.
waa nin dagaal yahan oo mujaahida oo muslima oo futuuxaa badan leh oo gaalada madaxa dhulka u dhigay ilaa iyo uu leeyahay taariikh yahanka jarmal Helmar la yiraahdaa yiri كان هذا السلطان أشد خطراً علينا من صلاح الدين نفسه salaaxu diin al ayuubi aynu naqaanay qudus xoreeyay waxaa nooga darna bu leeyahay Suleyman Al Qanuni ama historian kale ee Harot la yiraah wuxu leeyahay ﺇﻥ ﻳﻮﻡ ﻣﻮﺕ ﺍﻟﺴﻠﻄﺎﻥ ﺳﻠﻴﻤﺎﻥ ﻛﺎﻥ ﻣﻦ ﺃﻳﺎﻡ ﺃﻋﻴﺎﺩ ﺍﻟﻨﺼﺎﺭﻯ geeridii ninkaasi maalintuu dhintay waxay ka mid tahay buu leeyahay ciidaha u dabaal dagno oo ninka caynka Yurub uga baqeysay ama taariikhda intaa la eg leh maxaa sidaa loogu dhigay aan masalo idiin sheego waxa jiro taariikh yahanada markey ka waramayaan taariikh oo ay sheegaan taariikh saqiir wa taariikhu kabiir dad markaa rabto inaa masaxdo oo dad liito ka dhigto waxay yiraahdan waxaa laga waramaa taariikhu saqiirka taariikhu saqiirku waa wixii gafaf leh masal duwalka oo kale boqortooyada iyo raga iyo dumarka joogay wixii dhex maray kuraasadi taalay wixii khiyaamooyinka ay isku sameeyeen iyo wixii la dilay waxaasaa laga waramaa oo qofka taariikhdaa akhristaa wuxuu moodayaa umadaa taariikhdeedu ineyba nuucaan lee ahayd wuu ka yaqyaqsoonayaa inuu akhriyo masalan hadii maanta ingiriiska laga waramo qoyskii joogi jiray iyo boqortooyada iyo khiyaamooyinka ay sameen jireen iyo isdilkii waxay kuula muuqan lahayd dowlad yaroo baaba' ah oo naf lahayn macadalik bu dunida gumeesanayay taarikhda weyn na waxay yiraahdaan waa dowlad wixi wax soo saar ay sameesay haduu yahay mid askari yahay haduu mid dhaqaale yahay bid biniaadanimo mid cilmi mid qaanuun mid value waxay dunida kuso kordhiyeen hadaba nimanka reer galbeed markay caalamul islaami ka waramayaan taariikhu saqiirkey saaraan markey tooda ka waramayaan taaiikhu kabiirkey saaraan saynis hebel oo waxa soo kordhiyay dowlada o waxa qabatay wixii ay qabteen bey ka waramaan ee macno nolosha ku sameenayaya caalamul islaami taariikhdiisa markey ka waramayaan wixii khiyaamo iyo dumar iyo rag isdilay ee nooca ahaa bey tilmaamaan xataa waxaan oran karnaa waa masalo biniaadanka u badan ayahay somali qabaailkedda marka uu reerkooda ka waramayo intee goob guuleesteen iyo nin waayeel oo caqli leh intii soo martay iyo nin gabyaa buu kuu sheegaya rerka kale lkn marku ka waramayo mid nacas oo beri ku jiray iyo maalin ay ceeboobeen iyo mar wax ka dhacay iyo inta meel ee liidato ee reerka kale buu kuu sheegaya wuxuu ka sheegayaa taariikh saqiirka sidaadarteed taariikhda ragga qora waa qatar qaabkee u bandhigaan waa qatar iyadoo waxa la sheegayo uu run yahay ayaa run la isku qaloocinayo noqon kartaa waliba tariikhda islaamka kutubta taariikhda caanka markaad u nnoqoto inta badan kuraasyada boqor baa dhacay iyo boqor baa qabsaday bey inta badan ka waramaan halka laga yaabo taariikhdii muslimiinta ee dhabta ahayd inaa ugu tagto kutubu taraajum marka culumada laga waramay shiikhaasi markuu noolaa iyo ardaydiisa marka laga waramayo waa caalam kale marka taariikhu saqiirka laguu saaro iyo isdilkii waxaad is oraneesa meeshaba waxay ahayd meel dagaal hadaba suleyman al aqanini wuxuu dhashay taariikhda hijiriga ahi markey ahayd 900 bishii safar 6deedi wuxuu ku dhashay magaalo la yiraah tapson waa magaalo ku taal baxrul aswad waxay kaso horjeedaa wadankaa uu russia qabsaday ee qiramka la yiraah ee raacsiisnaa dowladaa Ukrain ee hada uu xooga ku qabsaday waxay kamid ahayd dowlal cusmani wa tataarkii kasoo horjeedkiisa waa magaalo ku taal xeebta waxaa awoowe u ah bayaziid sani aabihii waa samliim awowgiina waa bayazid bayazidna waxa aabihi ah muxamad ala fatix ninkaa macruufka ee la yaqaano ee istambul furtay waa awowgiisa 2aad trapson marku ku dhashay aabihii asagoo kutaab haya buu u dhahshay qoys boqortooyana wuu ka dhashay isago ka barakeesanayo u bixiyay suleyman inu nabi suleyman u ekaado tarapson waa magaalo qoloada dowladihii bayzintiyiinta sameestay ee dowladihii latinka ka qabsadeen nimakan bizantiyiinta waxaana ay ka mid tahay dhulkii uu furtay muxamad al fatix ayaa magaaladaan horay u furtay wuxuu ahaa wiilka qura ee aabihii dhalay hablo badan buu la walaalo ahaa wuxuu la koray wiil qaadiga madiinada uu dhalay oo ay saaxiib ahaayeen qaadigaas oo la yiraah yaxye ibnu cumar afandi waxaa macali u ahaan jiray nin sheekh oo la oran jiray kheerudiin afandi 10 jir meelaha markuu gaaray ilmaha boqorada marka la gudayo waxa loo dhigi jiray xafladii baa loo dhigay aabihii aad buu u daneenayay mmarki uu awowgii baa waxa loo weediyay ina isna gobol loo dhiibo dhalinta markey 20 jir yihin ayaa la geen jiray gobolada yaryar si ay uso towbartaan aabihii oo trapson heesta ayaa wuxu awowgii uga codsanayaa in isna meel loo dhiibo abihii saliim bayazid inamadiisa bu kamid yahay nin ka weyn oo xamad la yiraah baa jiro isago rabo inu boqortooyada qabsado een marka cabaar la isku celceliyaya kafa meel la yiraah loo dhiibay kafi qiram bey ka tirsan tahay waa meeshi koowaad ee suleyman madax ka noqday kifa marku joogay muddo marka aabihiina gobalka kaso horejeeda ayu heestaa awowgiina waa boqorka wadanka oo dhan aabihii hunguri baa galay boqortooyada siduu u qabsan lahaa isaguna dhaxal sugihii maaha aabihii ciidamo kaxeestay isagoo dhow iyo 30 doonyo wata ayuu u gudbay xagii inankii heesatay ee qiram isaga iyo aabihii dagaal baa dhex maray dagaalkii waa lagu soo jabiyay laakiin aabihii waxay wada socdeen inkishaariyiinta nimanka la yiraa raali ahaada taariikh hadii laga waramayo waxa fiican qofka inu sawir guud heesto ee magaalooyinka iyo magacyada aan akhiranayo waa wax wada cusub kafadan oo kal imika fidowsia la yiraah waaga waxa xukumi jiray oo laga xoreeyay Genoa boqortooyo ka jirtay baa ka talin jirtay magaalooyinka waxa laga yaaba iney wax idinku cusub tahay macrako uskur la yiraah baa abihiis lagu soo jabiyay inkishaariyiinta nimanka la yiraah waa dad askarinimo gaar ah u toobari jirtay dowlada cusmaaniyiinta oo aan qabaail lahayn ama ha noqdaan adomo la xoreeyaya ama caruur yar yar oo sidooda loo qaatay qadiyada tan waa qadiyada ay kuso can baxeen ayubiyiinta qolo la oran jiray dowlal mamaalikta aad maqashaan ee 260ka sano talineesay waa nimankan oo kale ahaayeen waa dad loo tareenin gareeyay askarnimo aan qabaail shaqo ku lahayn inkishaariyiinta waxay raaceen saliim dabeetana bayaziid ba la inqilaabay boqortooyadii saliim baa qabsaday suleymaan dagaalada kama uusan qeybgalina gobalkiisa yaraa ayuu iska joogay ayaa aabihii dagaalo ayu la galay walaaladiis lkn wuu guuleestay inu wadanka qabsado inankii suleymaan aha wa lo yeeray istambul ba la keenay wa laso dhaweeyaya abihii baa boqor ah magaalado la yiraah manisia wa sanjaq waa wilaayaat ka waa gobal waa magaalo u dhow izmir odayga bayaziid la oran jiray baana guri boqortooyo ku leh inta badan waxay ahaan jirtay dadka waliyul cahdiga noqonaya manisa la keenay markaa halkii hore ee kafa 3 sanadood buu xukumayay intii aabihii madaxweynaha ahaana wuxuu xukumayay meesha tan ninkana waqtiga uu dhashay waa markii andalus laga soo saray muslimiinta 1492 meelahaasa laga soo saaray isna 1495 meelahaasu dhashay dowladaha reer galbeed ay xoog bateen waqtigaa waxa jira 2 dowladood oo aad u xoogbadan oo ciidamada bada ee ugu tirada badan leh sideedana waxaad ogaata dunida taariikhdeeda dambe dowlada badda ku xoog badan ayaa ah dunida dowlada ugu xooga badan oo Portoqiiska ama ispanisha markee bada dee ilaa iyo mareekanaka waa kuwii qabsaday ilaa muslimiinta north africa qabsaday meeshan kaso wareegay barigiina kan qabsaday mombasa iyo dhulkaan oo dhan ilaa iyo muqdishee qabsaday horay ugu sii socdeen iyo jaziirada yar india axmadabad gobalka la oran jiray buu qabsaday indonenisa bey qabsadeen waxay ka taliyeen badda dhamaanteed waxay ku tala galeen iney ciriiriyaan wadooyinka dhaqaale ee india iyo yurubta isku xereesay dowlal bunduqiyah vanisia magaaladanla yiraah dowladaa iyo cusmaaniyiinta ahaa nooc isku xirnaa dabeetana waxay ahaan jirtay magaaladooda meelaha ugu badan ee beecmushtarka wixii india ka yimaadaa dariiqul xariir bey mari jireen portiqiiska isyo ispanishka waxay ku tala galeen caalamul islaami iney go'doomiyaan oo ay xaga dhaqaalaha kala dagaalamaan markey adalus iyo qabsadeen waxay xireen markaa khliij meel kasta oo laga galo ama khaliijul carab meeshaasi jaziiradaha ku yaal ha ahaato wey xireen markaa waxay noqdeen dowlad aad u xoogbadan isla markaa caalamul islaami wuu burbursan yahay oo andalus cid u gargaarta lama helin xaga kale waxa so baxday portaqiiska iyo dowla safawiyah oo shiica ahayd aya heshiisyo wada galay iyo xidhiidh ah dowlal cismaaniyah iney col lawada yihiin waxa soo baxday portiqiiska iney rabaan madina iney qabsadaan xabaasha nabi maxamad iney la baxaan nabi maxamed jirkiisi iney meesha ka qaataan oo inta la geeyay yurub lagu gorgortamo beyti maqdis in lasoo celiyo beytil maqdis gacanta muslimiintu ku jiraa markaa in dib loo soo celiyo beytil maqdis ayee dariiqaan usoo mareen waxay dhaheen kuwaan jilicsan intenu xagaan marno in lala baxo ee nabiga CSW qabrigiisa dowla safawiyah na wey kula heshiiyeen baa la sheegaa warkaasina wuu soo baxay dagaaladii yurub muu bilaawin horta wuxuu usoo jeestay caalamul islaami inuu mideeyo dabeetana uu portaqiiska ka hortago kadib dagaal buu qaaday wuxuu ku qaaday labadii dowladood ee meesha ka jiray mid dowlal mamaalik ee masar heesatay masar wuu qabsaday dagaal labaad buu qaaday dowlal safawiyah safawiyah waa iraniyiinta iraaniyiinta wagaa dowlad xoogan bey ahaayeen ilaa jorgia ilaa iyo armenia ilaa qazweyn waa nin la yiraah safyudiin alardibil waana iran magaalo kamida magaalada nin suufi oo jooga ayaa sameeyay safawiyah suufi shaafici buu ahaa dabeetana dariiquu sameeyay dariiqo xamaasad badan bey ahayd aad bey u faaftay dariiqadi oo mahabka alsunaha rumeesan waxay qabsatay bariga oo dhan inan uu awoowe u ahaa oo alkhoja cali la yiraah ayaa shiica noqday dabeedana dowlada waxaybisu badashay shiica ninka muslimiinta qasab ku shiiceeyay awowgiisa 5aad buu noqonayaa safyudiinku meshe qabsadeen dowlad ballaaran bey noqotay ahlu sunnuhu laayay iraan 5 qarni horteed muslimiin ahlu sunnah bey ahaayeen madhabkaan shiicada wuxu ka yimi labnaan iyagaa u culumo ahaa iran imika ay cagsiga tahay dowla safwiyah qasab bey ku shiiceesay muslimiintii xagaana qasab baa lagu kiristaameeyay wixii xagaa xigay saliim oo ah suleymaan aabihii reer galbeedka waxy u bixiiyeen saliimkii adkaa faransiiska waxay yiraahdaan salim rahib wuxuu bilaabay inuu caalamul islami mideeyo marja wuxu qabsaday masar iyo dowlal mamaalik dagaal buu ku jabiyay safawiyiinta ilaa iyo caasimadooda qabsaday kadibna intuu dagaaladan kuso jiray suleyman qanuni wuxu u diri jiray adirna waa magaalo ku taal qeybta yurub ee turkiga turkiga qeyb baa jirta yurub ah oo istambul baa qeybisa gobalada yurub rumiiliya baa la oran jiray waxan soo hoos gali jiray montiigra iyo boosniya iyo serbia iyo masedonia waxaas oo dhan rumilia magaalada koowaad ee gobalkaa xukuntaa adirna la yiraah ayaa suleyman loogu diraya inuu dagaalada yurub ilaaliyo xuduuda wadanka ilaaliyo xaga wuqooyinga odayga saliim ahaa saliim ka koowaad ilaa iyo 8 sanadood buu xukunka hayay marki dambe isagoo sii socda daacuun ama sun ku dhacay wuu dhintay dhakhtarkiisii baa qariyay geeridiisa wasiirada loo sheegay dabeetana waxay go'aan sadeen in la qariyo geeridiisa ilaa iyo inta suleyman istambul katagay oo boqortooyada ka qabsanayo waayo inkishaariyiinta cabsi laga qabay markaa intuu boqorka ka gaarayo in la qariyo ciidamadi cidna looma sheegin aqa nin la yiraah la diray waxa la yiri utag suleyman u tag u sheeg aabihii inuu dhintay adirnu joogay wuu ka tagay istambul buu tagay markuu maanta oo kale istambuultagay ayuu beri oo kale lagu dhawaaqay geerida aabihii september dhamaadkeedi meeshi buu qabsaday boqor buu noqday suleymam maxaynu ka sheegna markaa taariikhdu waa duruus aad u qaaliya lkn waxa aad aan suurto gal u ahayn 46 sanadood buu boqor ahaa waa boqorkii 10aad cusman adaqar waa ninkii sameeyay dowlada cusman marka laga soo bilaawo isago waa boqorkii 10aad waa boqorkii ugu xooga badneed dowladiisu waxa la tilmaama ninka kan 10 sano iyo dhowr bilood buu goob dagaal taagnaa cimrigiisa intii badneed isagaa ciidamada hogaamin jiray goob dagaalna wuu taagnaa wuxu geeriyooday isagoo goob dagaal jooga oo sidwar magaalada la yiraah ee ku taal hungary qalcadaa isagoo xisaar ku haya ayuu geeriyooday noolashiisa 13 dagaal oo waaweyn oo caalami ayuu qaaday oo taariikhda dunida wax weyn ka badalay waxay yiraahdaan intuu faraska fuushanaa 48,000 km uu faraskiisa ku jaray waa imisaa u maleeneesaa ninka intu mobasa ka baxa galbeed ka soo gala imisoo soconaya u maleeneesa waa 40,000 oo km that means suleyman al qanuni faras isagoo fuushan buu dunida kuso wareegay waxay yiraahdaan wuu ka taliyaya 3dii qaaradood ee dunida marka la yaqaanay mareekan iyo autralia lama garaneyn dunida 3 qaarad waa africa Asia iyo Europe 3 qaradood ee la yaqaanaba caalamul qadiim dagaal buu ka galay waxaa la yiraahdaa waa boqorkii musliminta ugu badnaa ee is dhex taaga ee qabsada yurub bartamaheeda futuuxaadkiis adowladuu aabihi ka dhaxlay aabihii calamul islaami marku mideeyay buu dhintay aabihii lkn dowladuu ka dhaxlay ilaa iyo 6million iyo bar bey ahayd 6.557 sq km bey ahayd suleyman qanuni marka dowlal cusmani ka tagana xawaley 15 million km bey ahayd oo murabac ah waxaa la yiraah mudadii uu dagaalka waday dagaaladii uu isaga hogaamiayay ee uu hor socday 360 qalcadood buu furtay 360 xusuurta ah dhufaysyadii waagi hore la galin jiray afsomali qalcad maxa lagu dhahaa waa saldhigyadaan ku wareegsan yahay dhismo aan faras ka soo talaabi karin waa dhismo magaalooyinka wagi hore lagu wareejin jiray magaalada cunno ku filan hadey hesho oo ay albaabka xidhaan cid waliba waa ay iska difaaci kareesay yacni dhulkii caynkaas aha ee dhufaysyadii la sameestay 360nkamida bu furtay bey yiraahdaan waqtigiisii muarikhiinta waxay ku tilmaamaan inuu ahaa boqortooyinkii dunida soo maray mid kamida wuxuu ka taliyaya caasimadaha dunida eemaanta la yaqaan Athens Sofia Baghdad Dimishiq istambul belgrad qairo bukharest tiri uun waxa maanta caasimad la sheego inteeda ugu badan ee yurubta bari ama caalamul islaami ah intaas bu boqor uwada ahaa ilaaiyo caasimada safawiyiinta iraan qeybeeda wuqooyi waxa lagu tilmaama waqtigiisa iney gaadhay dowladii cusmaaniyiinta heerarka ugu sareeya ee dhaqaale guulihii siyaasiga ee uu gaaray waxay xojiyeen qeybtii dhaqaale ee uu wadanka lahaa wuxu dib uso nooleeyay cadilka iyo qanunka qanuni waqtigiisa lama oran jirin waa damba tarikhda la qorayay baa loo bixiyay suleyman al qanuni reer galbeedku waxay yiraahdaan suleymankii weynaa taariikhda reer galbeedka qoraan waxa lagu tilmaamaa inuu ahaa dowlada ugu weyn qarnigii 16aad dowladi ugu xooga badneed buu ahaa sababtana waa xeesha dheer uu sameeyay iyo ciidamada nidaamsan haday ciidamada madaficda yihiin hadey ciidamada lugta yihiin madaafiicdsa ugu qatarsana dowlal cusmania heestay walidaalika bey ree galbeedku waxay ku sheegeen Grand Turk kii u weynaa turkida 46 sanadood buu suldaan ahaa dhanka khilaafada marka laga eeg dowlal cusmaaniya cid khilaafo sheegato aabihi baa ugu horeeyay awal waxay dowlal cusmani lkn khilaafada yaa sheegan jiray al mutawakil calal laah nin la yiraah baa joogay oo magac u yaal iska ahaa markjii tataarka ay jabiyeen khilaafadii baghdad daganeed cabaasiyiinta cidii ka hadhay waxa la dajiyay qahira dabeetana magac u yaal ahaan baa loo isticmaali jiray lkn mesha waxa maamuli jiray boqorada marku qabsaday aabihi masar ayuu qaaday boqortooyadii ugu dambeesay ee mesha ka jirtay markaas buu geeyaya istambul wuu uga tanaazulay bee sheegay aabihii baa ah marka khaliifki u horeeyay kuwii ka horeeyaya salaadiin uu bey ahaayeen cidii 1aad ee khalifa sheegata wa saliim ninkani marka isagu waa khaliifkii muslimiinta ee 2aad marka la eego dowlal cusmaaniyah cahdigaa 46 sano ee uu xukumayay waxy ku sheegay casrul dahabi dowlal cusmani waa wakhtigii dahabka ahaa ee soo marto dowladaasi waxay yiraahdaan saldandiisu wuxuu hunguri kaga jiray inuu dunida oo dhan qabsado sida reer yurub ku fakrayeen oo kale marka la eego yurubta waxay ahaayeen dad ka dambeeya boqortooyadiisa o waxaa la yiraah yurubul xadiis iyo xuduudahan iyo waxa ka qeyb qaatay sameenteeda wuxuu isaga geestay dagaalo 13 uu qaaday dhan walba wuu u qaaday dhankan wuu soo socday ilaa iyo dhulkaan xabashidu qabsaday jabuuti qabsaday eriteryu qabsada somaliya iyo yemen wuxuu qabsaday wadankaa sudan la yiraah wuxuu xoreeyay mandaqadan loo yaqaan baxru axmar oo intaasoo dhan portaqiisku ka kiciyay waqtigiisu waa kii axmed gurey dhinaca kale ka dagaalamayay oo isku wakhti bey ahaayeen wuxuu gaaray inuu u kaco dhanka bari dabeetana cumaan buu qabtay dabeetana kanaalkaas laga soo galo ee u dhaxeesa iran iyo carabta buu qabtay jaziirada mesha ku taal buu qabtay al axsa bu qabtay kadina waxa so hoos galay qadar baxrayn kuwait sacudiag dowla safawiyay wu jabiyay baqdad bu dib u qabsaday tabriz buu qabsaday jorjiya iyo armenia qeybo kamido qabsaday caalamul islaami oo dhan intiisa ugu badneed india mulimiinta joogtay markay portaqiska ka cabanayeen isage u cid dirteen dabeetana usdul bu amaray inu masar ka tago oo u hiiliyo marku portaqiiska qabsaday wadankaan loo yaqaan indonisia dabeetana cid buu u diray in laga dhiciyo portaqiiska meesha markey qabsadeen spanishka algeria cid buu usoo diray wuxu sameeyaya ninkii loo yaqaanay kheerudiin barbaruuz kheradun barbaruz wa gadh case nin baa jiray badaan miditerianka ka talin jiray oo gadhcase la yiraahdo oo ah hogaamiyihi bada ee dowlal cusmaniyi badjiifta burcad badeed tiro badneed caalaku burcad badeedu waxay ahayd waxa ugu caansan ee la sameeyo oo dowlada yaryar cidii doon sameesankartaaba badee aadi jirtay si dadka loo boob dabeetan si badaa loo nabad galiyo kheerudiin barbarus ba loosoo diray ilaa iyo algeria ayu qabtay libiya iyo tunis bu qabtay spanishki bu mesha ka eryay waxa dhacday marka oo iska hor imanayan dowladihii ugu xooga badnaa masalan yurub waxa u xoog badan Aly harsberg boqrtooyin harsberg waa boqtooyinkii ugu dhadhera ee yurub ka taliya kamida asalkooduna waa austria waxa jira nin kamid ahaa boqortoyada oo suleyman marku mesha qabsanayay bil kadib ayaa isna madax laga dhigay waa ninka loo yaqaan charle karlo ama karol afafka yurub midba waa si waa charles dafifif charles wuxu dhaxlay dhowr boqortooyo kow waan ala harsber oo boqortooyad namsu leeyahay islaan u hooyo oo la yiraah wey waalatay habartii muslimiinta kasoo saartay andalus ayaa dhashay boqortooyada hooyadiina wuu dhaxlay ee spain wuxu kaloo dhaxlay oo awowgii ka dhaxlay boqortooyadii Germany wuxuu kaloo farsamo kuso helay boqotooyadi alimbadoriyal muqadasah yurub popku nin qura bu u ogolaa magacaas dabeetana waa ninka pop kuna taageerayo talyaaniga odaygaa germay heesan jiray ee awowgii ahaa faransiiska ninkii madaxweynaha kahaa ee france la oran jiray bey ku loolameen wa nin 4 ilaa 5 boqortooyo hoos yimaadan faransiiska iyo boqortooyadaas loolamayay kadibna waxa dhacay in dagaalo dhexmareen dagaaladaasi waxay keeneen marka hore harsberg iyo dowla cusmaniy loolamayay ljn markey tani timi waxa soo baxay dowlada faransiiska iyo inee col noqdeen alu harsberg oo uu hogaaminayo Carlos dagaal baa dhexmaray dabeetana waa la qabtay waa la xiray dagaalkii farans ee koowaad marki la qabtayna waxa lagu xiray Madrid madrid marki la keenay ayuu wuxuu u dirtay waa maxbuus boqorkii faransiis wuxuu u diranayaa dowlal cusmaaniyah oo wuxu leeyahay nin baa si xun iigalay adigaana ah boqorkii dunida ka talin jiray xabsiga iga daa hooyadii oo xukmeesa faransiiska waraaq soo dirtay waraaqdeeda waatan waxay leedahay mudaan sugayay inankeyga xiran anigoo inyar sugaya inuu biniaadanimo eego shaaral khan lkn mey dhicin rajadii wey gaabatay sidaa awgeed waxay leedahay boqorka faransiis aduun baa soo deen kara adaa ah boqorkii dunida weynidaada waxaa kaa codsaneena boqorkeeni baa maxbuus ah inaa soo dayso boqorkii faransa ee xirnaa ayaa isna diraya warqad wuxuu leeyahay waxaan waraaqda u dirayaa buu leeyahay boqrka dunida inteeda la dagan yahay xukuma boqorka ah dunida intiisa dulmani ninka ay xagiisa u cararto buu leeyahay waxa nafteyda ku jiraa kuso bandhigayaa ferdinand marka waa sharal khan walalkii oo hungary ka talinaya marka weerarteen sharal khan anago naga aargoostay oo na weeraray dabeetana maxbuus baan ahay fadligaadaa uun iyo waxtarkaaga uun baa sugaa buu leeyahay qiyaas faransa oo catolic ah oo boqorkeed maxbuus u ah boqrka kale waraaq udiraya oo safiir dhan la diray oo waraaqda loo dhiibayo oo hooyadiina waraaq so qoreeso oo la lugeeyo si boqradaa uu usii daayo faransiiska safiirkii ka socdayna marku yii wuxu yiri wuxuu leeyahay hadii aadan weerar ku qaadi boqorkaa bari iyo leh boqorkeyga wa la sii deenaya hadii kale waxa dhaceesa boqorkeyga inuu jabo oo heshiis iskala galo oo yurub oo dhan isu kaa raacdo ee danta aday kugu jirtaa ka gaar boo leeyahay muxu ugu jawaabay suleyman al qanuni wuxu ugu jawaabay kow waraaqda waxay ku qoron tahay ciwaanka madaxtinimo uu sheeganayo wuxuu sheeganayaa inta uu xukumo dunida markuu sheegtay kadib ayuu wuxu qoray mina suleymaan khan ibnu saliim khan ilaa faransiis malik wilaayah ninka faransiis oo dhan xukuma waxaa laga dhigayaa maxay muxuu usoo qoray waa nasoo gaaray warkii farnchby tii qorneed iyo tii afkaba ahayd wuu inoo keenay buu leeyahay wana naloo sheegay cadowgiina siduu kuu galay iyo inaa maxbuus tahay waana fahmay inaa u baahan tahay kaalmadeyda iyo inaa kuu gargaaro ee adiga mid baa kuu sheegaya bu yiri wax weyn maaha in boqorada la xiraaye horta murugada iyo niyad jabka iska ilaali buu leeyahay wax ni ka calaacalo maahe wuxuu ku leeyahay waxaan kuu sheegay aabayaalkey sharafta lahaa iyo awoowayadeydi waaweynaa xabaalahooda ilaahay ha nuuriyee dunida waa fuanayeen ana waxan kuu sheegay sidii faraskeena u ukooreesan yahay seeftayduna u baxsan tahay ilaaha weyn baana kheerka fudeediya wixii waree hoosana waxa kuu sheegi doona rasuulkaaga yacni waxay tilmaameesa salaadiinta yurub ayaa ahaa kuwa u geeya jinsiyada marki masalan madaxnimada la saarayay isaga waxaa yimi boqoradii dunida qeybo kamida waayo suldaankii dunida ugu weynaa baa la caleemo saarayaa waxa yimi ninkii madaxda u ahaa racuza waxaa yimi kii russia waxa yimi kii bunduqiya salaadin badan ba yimi waxay u yimaadeen boqorkaan weyn ee dunida ka taliya inee tahniyo u sameeyaan iyo inee mucaahadaad iyo inee heshiisyo dalab heshiisyada ee soo qorteen waa maxay racuzo kuwa la yiraah waxay yiraahdeen xooga hub ahna waa u baahanahay een cashuuraha qaarna naga dhaaf bey leeyihiin markaanu dagahaaga nimaano wuxu ku yiri hubka la idinka iibin maayo lkn cashuur dhaaf wa leedihiin soo imika mareekanakainta la tago soo xoogaa huba naga iibi lama yiraahdo oo marna ma yiraahdo waa idinka iibinaya marna la idinkama iibinayo sidii oo kale waaye cashuuraha qaarna naga dhaaf hubna naga iibi wuxu u ogolaaday inuu cashuuraha ka dhaafo lkn hub la idika iibin maayo waxa yimi safirki russia isago wuxu leeyahay nimankan qiramka la yiraah qaati ka taaganahay kuu nagala hadal heshiisna nala gal wuxu yiri waxaa heshii idinla galayo malaha lkn kwaa maalmo daaya wan oranayaa waxa yimin bundiqiyah waa vanisia magaalada la yiraah waxay dalbanayaan iyanah in loo cusbooneesiiyo heshiisyadii hore marka hore wey amaaneen boqorka waxanu rabnaa heshiisyo heshiisyadoodu iyaga dan kalu lahaa wayo wuxuu diyaarinayay duulimad aad u balaaran oo u yurub ku qaado saa daraadeed wuxuu rabay bunduqiyada inuu ka saaro xilfa wadaaga iyaga heshiis buu la galay waraaqda inta la qaada waxa laga aqriyay majlis ay leedahay meeshaasi 1522 april 8 30 qodob bu heshiiska ka kooban yahy ka kowaad tijaarada in xoriyad laga dhigo nabadana la sugo 2 safiir inaa noo ogolaato istambul oo waliba 3di sano mar la abadalo safiirku daaim maaha every 3 years in la abdalo wax alaale iyo wixi kaso baxsada inanu so celino een dadka bada dhibta ku haleesho ina dhib loo geesan wixii mutahamiin ee so yaaca in laisku celiyo nimanka banaadiqada inaa wadanka gudihiisa socon karin ilaa warqada dhaqdhaqaq safiirka idin siiyay maahee waxay codsadeen north african inta muslimiinta xukunta in loo ogolaado ine la beecmushtari karaan waxay aqbaleen wixii doona leeyihiin istambul intii lakeeno in la baaro marka hore la ogaado waxa ay sido waxay aqbaleen inee 5000 ilaa 10000 dahab ka bixiyaan labada jaziiradood ee khubruz iyo santaana heshiisyo 30 qodob ka kooban buu la aqbalay waa boqorku wuxuu u baahnaa dagaalada u galayo iney qoloadaan ka qeyb galin boqortooyada uu ninkani ka talinayay waxaynu oran karna waa boqorkii dunida marka ugu weyna oo boqrtooyinka waqtigiisa la noolaa waxa kamida imparador al khamis la yiraah ashadooq waa boqortooyadii namsa ka talin jirtay imabadoriyal muqadasah isagoo soo dhaxlay iyo ee spain waxa kamid aha walaalki waxa kamid aha boqotooyadii faransiiska waxa kamida boqortooyadii ingiriiska henery 8aad qeysarkii rumaan qeysarkii russia caalamul islaami boqortooyinka jira wa shaah damas waa safawiyiinta saliim jabiyay inankiisa iyo hamayun albaburi waa ninkii india xukumayay so maydan maqal masaajid had iyo goor la isku hayo oy dumiyaan oo india ku yaal oo hindisu macbud inay ka dhigaan rabaan waa baburi ninka dhisay hamayun ala baburi waxaas oo boqora ahi oo dunida ka jiray marka la barbardhigo suleymaan qanuni waxay ahaayeen dowladaha yaryar ee la ilaaliyo qarnigii 16aad shiikhii la oran jiray jalal zada musdafa marku suleyman ka waramayay wuxu yiri dowlal cusmani zubdadeedu ninkaan buu ahaa 3 shey baanu ku caan baxay buu yiri caadalad uu daka u sameeyo iyo shacaybka ilaalintiisa iyo masaalixdooda guud inuu dhowro iyo inuu ahaa nin furasho badan suleyman wuxu ahaa nin gabyaa ah oo gabayga ku fiican wuxuu aha nin luqada carbeed luqada persia iyo luqada turkida iyo luqada tataarka ee waa kuwa uiraah gabayadiisa caanka waxaa kamida gabay uuu leeyahya arkey tarjumeen ha sijaayad 2 wadaad oo suufiya wey isaga filan tahay buu yiri lkndunidoo dhami labo boqor kuma filna buu leeyahay yacni caalamu siyaasi hunguriga yaal cahdigiisa baa la qoray qaanuunka ugu badnaa ilaa iyo wadanka cumaaniya ka dhaceesay walidaalika qisaska cajiibka ay ka sheegaan waxaa kamaida marku dhimanaya ayu yiri sanduuqaa halayla aaso sheekhii islaamka ayaa wuxuu yiri sanduuqaa armey wax muhiim ku jiraa hala furo ileen hadii mujaaharaad iyo ku jiraan in la aaso maahe sanduuqa aan ogaano waxa ku jiree meydkiisa oo meesha yaal baa sanduuqa la furay waxa lagu tagay wixi shiikhul islamka fadwa siiyay oodhan waxay yiraadaan qawaaniinta uu dhigay inta ugu badan waxay ahaayeen kuwa kku saabsiisan waxa lagu tilmaama ninka kan inuu caan ku ahaa awqaafta iyio waxyaabaha kheeriga wuxuu caan ku ahaa dhismayaasha maanta loo daawasho tago maslan masjid suleyman al qanuni masaajida ugu caansan marka la tago istambul een isagaa dhisay jaamacadii kuliyaadka la socday masjid saliim isagaa dhameestiray beytil qudus dib buu tarmiim ugu sameeyay makka waxbuu ka dhisay makka iyo madina qadamaad cusub buu u sameeyay jaamaca weyn ee ku yaal baqdaad ee imaami acdam jaamiciisa isagaa dhisay cabduqadir jeylani jaamiciisa isagaa dhisay ee waxaasoo dhan markeenu eegno inta aan idiin sheegay waa cumuuman muqdafat kamida wixiisa lkn taariikhdiisa kama waramin waayo taarikhdiisa dagaaladiisa oo qura hadaa ka waramo dee waa13 dagaal oo cawaasimta dunida ugu caansan furtay belgrad isaga furtay budabest isaga furtay. bukhras yacni cawaasimta dunida ee maanta la yaqaano waa ninkii dagaalada ku furtay walidalik meyna ka waramin taariikhdiisa laakiin waxaynu ka waranay dowlal cismaaniya oo cahdigiisa maamulayay simaadka caamka ay lahayd
Nabi Maxamed muxuu leeyahay markuu saxaabada isku soo uruuriyay calayhi salaatu wa salaam hal aayada ha noqotee iga gaarsiiyan buu naviga leeyahay Hadaba waxaynu leenahay tusaalayaal korban baan indien siinayaa taarikhda waxaa la hayaa dowlado muslimiin ah oo jabay boqaro muslimiina oo Ła qafaashay ama la dilay dowladi muslimiinta oo laga xoog baty hadana islaamku isma dhimin xagee wax ka jiran marka ciidan baa jira aan jabin walidaalika dadka inna badań waxy mashquul ku yihiin kuraasiga siyaasiga ah taariikhda islaamka waa mucjisa waa Maxay taariikhda bini aadanka laguma hayo dad wadan qabsaday oo dadkey qabsadee ee u talinayeen diintoodi qaatay islaam mooyane lama hayo had iyo goor biniaadanku cida xoog badan buu raacaa haduu nin qabsada wadan dadku wey raacaan lkn dadki la qabsaday in la raaco islaamka kaliyaa lagu hayat Sida la ogsoon yahay Rasuulka Alle (scw) wuxuu ahaa shakhsi mucjisooyin badan laga arkay, mucjisooyinkaan oo kulligood ka baxsanaa kana sarreeyay heerka awoodda garashada aadanuhu gaarsiisan tahay, mucjisooyinkaan oo noloshiisa dhamaanteed la saaxiibay, waxay isugu jireen dhacdooyin ficilkiisa laga arkay, Akhbaaro uu kaga warramay mustaqbalka amase waxyaalaha qarsoon oo sidii uu u sheegay loo arkayay sidoo kale ducadiisa, maryihiisa, taabashadiisa, kabahisiisa iyo dhamaan waxkasta oo isaga ku saabsan oo lagala kulmay mucjisooyin caqliga ka baxsan sida in lagu daaweeyo cudurrada laga caalwaayay amase kuwa aan daawada lahayn iyo dhacdooyinka laga arkay makhluuqaadka Alle oo u hoggaansamaya Nabiga (scw) amarkiisa. Ayadoo hadaba ay jiraan kitaabo waawayn oo lagu aruuriyay mucjisooyinkaan waxaa la sheegay in Alle mucjisooyinkaan uu Nabigiisa (scw) uga muujiyay si ay dadka ugu caddaato xaqnimada Nabiga (scw) iyo xaqa uu la yimid kadib markii la tusiyo xujo qudrada aadanaha iyo garashadiisaba ka baxsan islamarkaana ay u garwaaqsadaan uguna kalsoonaadaan, taas lafteeduna waa ujeeddadii ushii Muuse iyo hashii Saalix (cs) laga lahaa. Waxyaalaha ficilkiisa laga arkay oo aad u badnaa waxaa kamid ahaa in biyuhu farihiisa ka shubmaan oo ay ummadda oo dhan deeqaan, in cunnada hal qof l oogu talagalayi markii uu taabto ay boqollaal amase kun dad kor u dhaafay deeqdo oo waliba aysan dhamaanayn, in awooddiisa xagga qof ahaaneed uu sameeyo waxyaalo aan qof caadi ahi samayn karin sida dhagaxii laga quustay in la jabiyo inuu hal nabar ku dhufto oo uu sidii ciiddii u kala daato ama isu baddalo. Dhacdooyinka xagga akhbaartiisa laga arkay runtii aad ayey u badan yihiin waana arrin la yaab badan sababtoo ah ma jirto cid mustaqbalka og wax qiyaas dhaafsiisan amase cid ka warrami karta wax oddoros iyo saadaalin ka baxsan dabcan Alle un mooyee ama akhbaar isaga laga helay, oo nabi lasoo gaarsiiyay, Rasuulku (scw) ilaa heer buu dhinacaan ka gaaray waxkasta oo laga maqlo ee mustaqbalka ku saabsani ay iska ahaayeen yaqiin dhicitaankeeda la sugayo, qaar kamida culumada taariikhda Islamka ku takhasusay waxay leeyihiin “maba jirto dhacdo wayn oo dunida ka dhacday Nabiga (scw) kadib oo uusan hore u sheegin. Hadaba dhacdooyinkaan mucjisada ah oo aan –insha Allah—silsiladdaan dhexdeeda kusii arkii doono waxaa kamid ahaa. Marar badan oo reer Makko ay Rasuulka Alle (scw) waydiiyeen inuu mucjiso horkeeno, ayagoo oran jiray ku rumayn mayno ilaa aad dhulkaan nooga jeexdo ilo biyo ah oo burqanaya, ama aad yeelato beer cinabka iyo timirtu isku dhex baxday oo wabiyo biyo ahi hoosteeda durdurayaan, ama aad cirka gabalkiis dusha nagaga soo riddo, ama aad la timaadid Alle iyo malaa’igta si caddaan ah, ama uu guri dahab ahi kuu dhismo, amase aad cirka kortid waliba aad kitaab aan akhrino nooga soo dajisid, Sidoo kale inay oran jireen buurahaan dhulkii nagu cariiryay ee nolosha nagu dhibay ilaahaaga noo waydii ha naga riixo amase awoowayaashayo siiba Qusayi Ibn Kilaab hanaloo soo celiyo aan waraysanno oo la tashannee, xigmadda su’aalaha caynkaan ah ay uga jeedeen marna ma ahayn inay wax ku qaataan, ee kaliya waxay uga jeedeen inay Nabiga (scw) xujeeyaan oo ay mar uun qura ay ku hadaaqaan intaan wax waydiinay ayuu ka jawaabi waayay taasoo qayb ka ahayd la dagaallankooda Islamka, haddiise Alle og yahay inay wax ku qaadanayaan waa la horkeeni lahaa sidii ummado hore loo horkeenay, tan kale. Alle subxaanah wuxuu Rasuulkiisa sharafta leh (scw) u sheegay in waxyaalahaas ay waydiisteen loo soo saarayo laakiin haddii inta mucjisada la horkeeno ay xaqa u hogaansami waayaan la halaagi doono sidii ummado hore loo halaagay sidoo kale in Alle qur’ankiisa ku yiri: Mana aysan naga joojin soo dirista mucjisooyinka inay kuwii hore beeniyeen un mooyaanne Sidaa darteed waxaa Nabiga sharafta leh (scw) la kala doorransiiyay in ama musjisada la horkeeno – mana ay rumayn doonaan markaas la halaago—ama aan mucjisada la keenin ciddii Alle khayrka iyo toobadda u qorayna ay Islaamto ciddii aan loo qorinna ay seekto halkaas oo Nabigu (scw) uu doortay tan dambe. Hasayeeshee taasoo jirta hadana waxaa Nabiga (scw) laga muujiyay mucjisooyin badan ilaa ay caadaysteen in markii ay arkaan mucjiso caqliga ka baxsan xataa hadii cirka albaab looga furo oo ay koraan inay oran jireen: Waxaa uun la daboolay aragayagii waxaaban nahay qoom la sixray waxaana dhacdooyinkaas la yaabka badan kamid ahaa,Kala dhamballidii dayaxa, qisaduna waxay u dhacday sida Ibn Cabbaas u sheegay in odayaashii mushrikiinta Makko oo ay kamid yihiin Waliid Ibnul Mughiira, Abujahal Ibn Hishaam, Caas Ibn Waail, Caas Ibn Hishaam, Aswad Ibn Cabdiyaquth, Aswad Ibnul Mudalib, Zumcata Ibn Aswad, Nadar Ibn Xaarith iyo odayaal kale oo badan ay Nabiga (scw) u yimaadeen markaas ayey yiraahdeen: haddii aad tahay –nabi—run ah dayaxa labo gabal noogu kala jeex, gabalna aan buurta Abiqubays dusheeda ka aragno gabalna buurta qayqacaan!! Markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: haddii aan sidaas yeelo ma rumaynaysaan? Markaas ayey dheheen: haah, xilligaasina waxay ahayd dayax afar iyo tobnaad ah markaas ayuu Nabigu (scw) Alle waydiistay inuu tusiyo waxa ay waydiisteen markii hadaba habaynku madoobaaday ayaa waxaa la arkay dayixii oo labo jab kala ah oo jabna buurta Abiqubays korkeeda ku beegan yahay jabna buurta Qayqacaan, Rasuulka Allana wuxuu ku leeyahay Abusalama Ibn Cabdilasad iyo Alarqam war markhaati ka ahaada. Dhacdadaan waxaa Alle kusoo dajiyay bilowga suuradda Alqamar oo Alle yiri: Waxaa dhawaatay saacaddii –qiyaame—dayixiinna wuu kala dillaacay: haddayse –gaaladu—arkaan mucjiso wayn way jeesanayaan oo waxay oranayaan waa sixir isdaba jooga. Markii hadaba ay mucjisadaan arkeen waxay islamarkiiba yiraahdeen wuu na sixray Muxamed, markaas ayey waxay dheheen war fiiriya wararka safarrada dibada ka imaanayaa idiin keeni doonaan Muxamed ma awoodo inuu dadka oo dhan sixree, dhamaan dadkii bannaanka kasoo galayna kulligood waxay ka warrameen inay arkeen mucjisadii dayax kala dhambalanka. Qisadaan oo kutubta saxiixa ah ee Islamku qoreen sida Albukhaari iyo Muslim, ma ahan meesha laga arkayi Makko oo kaliya ee taariikhyahannada Islamku waxay caddeeyeen in dunida kale dhulal badan laga arkey oo taariikhaha dhulalkaas lagu qoray sida Hindiya sidoo kale in Hindiya laga dhisay dhisme goob cibaado ah la yiri waxaa la dhisay habaynkii dayax kala dillaaca. Markii uu Nabigu (scw) reer Makko Islamka ugu yeerayay sannado badan oo khayrka ay dhagahooda ka daboosheen shakhsiyaad mooyaane guud ahaanna ay ka daaheen aqbalidda diinta, wuxuu Nabigu (scw) Alle ka baryay inuu ugu kaalmeeyo sannado abaar ah isagoo yiri: “Alloow dushooda iigu kaalmee toddobo –sano oo abaar ah—sidii toddobadii Yuusuf” waxaa hadaba bilowday sannado abaar ah oo tirtiray qori iyo qummud wax beer qoyani liqo wixii arlada korkeeda yaallay, Xoolihii ay sidii xaskushii xasuuqmeen dadkiina caato raqayoobay ilaa ay bakhtiga hargaha iyo uuska cuneen oo lafaha qallalan la ruugay, cirkiina caad saloogan iyo qaac wax aan ahayn laga waayay, arrintu markay halkaas gaartay waxaa Nabiga (scw) u yimid Abu Sufyaan Ibn Xarbi oo Qureysh matalaya oo yiri: Muxamedow sida aad sheegtay waxaa lagula soo diray raxmad qoomkaagiina kulligood maanta waa halaagsameen ee Alle u bari –in la roobeeyo—markaas ayuu Rasuulka Alle (scw) Ilaahay u baryay in la roobeeyo islamarkiibana roobkii ayaa la helay, rays baana carrada qooyay. Tani waxay hadaba ahayd mucjiso wayn oo ay u hoggaansameen hasayeeshee aysan xaqa ku qaadan sababtoo ah waxay ahaayeen qoom shaydaan duufsaday uuna khayrka ka indhasaabay. Waxaana Imamul Bukhaari, Muslim iyo culumo badan oo kale kitaabahooda ku sheegeen in Cabdullahi Ibn Mascuud yiri: dhacdadaan waxaa kusoo dagay aayado dhowr ah oo ku jira bilowga suuradda Dukhaan. ‘’Annagaa Kaaga Filan Jeesjeesayaasha ‘’ Cabdillahi Ibn Cabbaas wuxuu yiri: kuwa caadaystay jeesjeesku waxay kala yihiin Alwaliid Ibn Mughiira, Aswad Ibn Abdiyaquth Azuhri, Abuzumca iyo Aswad Ibn Mudalib oo Bani Asad u dhashay, Alxaarith Ibn qaydala iyo Caas Ibn Waail Assahmi oo Bani Sahmi u dhashay, kooxdaan waxay ku caanbaxeen inay isku garabsiiyaan dulmiga iyo hagardaamada ay Nabiga (scw) u gaysan jireen, Markay khayrka arkaanna inay ayagoo garanaya ismagagadaan(is khaafiyaan) ayna ku jeesjeesaan, sidaa darteed Nabigu (scw) dhibkooda ayuu Alle uga dacwooday halkaas oo Jibriil yimid markaas ayuu Nabiga (scw) tusiyay muuqaallada raggaas. Markii ugu horreysay Alwaliid Ibn Mughiira ayuu muuqaalkiisa muujiyay markaas ayuu tilmaamay xididka halbowlaha markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: maxaad samaysay, Jibriil (cs) wuxuu yiri: kaas waan kaa qabannay kadibna wuxuu muujiyay muuqaalka Aswad Jibriil wuxuu tilmaamay indhihiisa, Nabigu (scw) sidii oo kale wuxuu yiri: maxaad samaysay, Markaas ayuu yiri: waan kaa qabannay, kadibna wuxuu muujiyay Aba Zumca wuxuuna tilmaamay madixiisa oo sidii oo kale yiri: waan kaa qabannay, kadibna wuxuu muujiyay Alxaarith wuxuuna tilmaamay calooshiisa, sidoo kale Caas isagana wuxuu tilmaamay raysmagaadhada lugtiisa. Alwaliid wuxuu soo maray nin warmo qoranaya, qoriga caaraddiisii ayaa halbowlaha muday oo gooyay waana u dhintay, Aswad labada indhood ayuu beelay, Ibn Cabdiyaquth madaxa ayaa boog kasoo baxday kulligiis carun ka buuxisay uuna u dhintay, Alxaarith cudur ayaa caloosha ka galay uu saxaradii afka ka tufay, Caas qodax ayaa raysmagaadhada lugta ka muday inta barartay ayuuna u dhintay. Dhacdadaan oo qiso saxiixa ah, waxay run ahaantii muujinaysaa sida awoodda xagga Alle ka socota loogu xoojiyay Nabiga (scw), waxaana kusoo dagay qawlka Alle ee ah: Annagaa kaaga fillaannay jeesjeesayaasha.” Sababtuna waxay ahayd sida la sheegay nin lagu magacaabo Aburukaana Ibnul Ashdiin oo ahaa ninka Qureysh ugu xoog badan, ninkaas oo sida la sheegay intuu harag ku fariisto oran jiray toban nin hoostayda ka jiida islamarkaana aan laga jiidi karin ee haragu kala go’ayo xoog badnidiisa darteed ayaa maalin Nabigu (scw) la kulmay oo ku yiri: “Rukaanow maad Alle ka cabsatid oo aqbashid waxa aan kuugu yeerayo” markaas ayuu yiri: haddaan ogahay in waxa aad leedahay ay xaq yihiin waan ku raaci lahaa, Markaas ayuu Rasuulku (scw) yiri: ka waran haddii aan ku lagdo ma irumaynaysaa? Markaas ayuu isagoo yaabban yiri: haah qisada dacal kale wuxuu sheegayaa inuu isagu soo jeedinta lahaa oo yiri haddii aad illagaddo waan ku rumaynayaa arrintaas oo uu u arkay mucjiso aan dhici karin. Miday noqotaba Nabigu (scw) wuxuu yiri: istaag, markii lagdankii dhacay dhulka ayuu Nabigu (scw) ku tuuray isagoo aan iscelin karin, markaas ayuu yiri: iigu celi waa iga binnistaye ilaa saddex goor ay ku dhacday markaas ayuu yiri: wallaahay Muxamedow tani waa mucjiso waligayna dhinacayga dhulka lama dhigin markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: haddaad Alle ka cabsato oo waxa aan kuu sheegayo aad rumayso waxaan ku tusinayaa arrin kale oo ka yaab badan, markaa ayuu yiri: oo waa maxay? Markaas ayuu yiri: waxaan u yeerayaa geedkaan wayna ii imaanaysaa! Arrintaas oo Nabigu (scw) sameeyay. Marka qisada dacalladeeda mid wuxuu sheegayaa inuu Ibnul Ashdiin islaamay ari saddex boqol ah oo lagdanka la isugu dhigtay lagana helay uu Nabigu (scw) u celiyay, dacal kalana wuxuu sheegayaa inuusan dhacdadaan waxba ku qaadan ee uu yiri: dadka ninkii ugu sixirka badnaa ayaan arkay, kolleyse sida la ogsoon yahay Aburukaana wuu islaamay oo axaadiith ayuu Nabiga (scw) ka wariyay meel uu ku islaamayba. Xilligaan oo ku beegan marxalad dacwadu ay waddadeeda ka dhex jeexanaysay guul laga gaaray meelaha qaarkood iyo jirdilkii oo sii adkaaday dhinacyada kale oo aad moodid in iftiin yididdiilo lihi meel fog kasoo dhalaalayo ayaa waxaa dhacay dhacdadii dheelmidda Nabiga (scw) iyo xagga samadda u qaadidda oo isku habayn dhacay, waxaa hadaba jira khilaaf ka taagan in la xaddado taariikhda habaynkaan Israagu dhacay, taas oo laga yiri lix qowl oo kala ah. Inuu ahaa sannadkii Nabiga (scw) Alle ku sharfay nabinnimada waxaana sidaas doortay Imamu Dabari Inuu ahaa soo dirista Nabiga (scw) shan sano kadib waxaana rajaxay Imamu Nawawi iyo Qurdubi Inuu ahaa habaynka ay bisha Rajab tahay toddobo iyo labaatan sannadka tobnaad ee nabinnimada waxaana qowlkaan doortay taariikh yahanka wayn ee Almansuurifowri Inuu ahaa bisha Ramadaan sannadka 12 aad ee nabinnimada, hijrada kahor lix iyo toban bilood Inuu ahaa bisha Muxarram sannadka 13 aad ee nabinnimada, hijrada kahor afar iyo toban bilood Inuu ahaa bisha Rabiicul Awal ee sannadka 13 aad ee nabinnimada, hijrada sannad kahor. Hadaba saddexda qowl ee hore waxaa lagu riddiyay in Khadiijo ay dhimatay bisha Ramadaan ee sannadka tobnaad ee nabinnimada dhimashadeeduna waxay dhacay intaan la soo gaarin waajibintii Salaadaha shanta ah, sida la ogsoon yahayna salaadaha shanta ah waxaa uun la waajibiyay habaynkii Israaga iyo Micraajka khilaaf la’aan, saddexda qowl oo kale Caalimka wayn ee Mubaarakfuuri wuxuu yiri: maanan helin wax xujo ah oo aan midkood si gaar ah ugu caddeeyo (ugu rajaxo) inkastoo habdhacmeedka suuradda Israa laga garanayo in xilliga Israagu aad u dambeeyay. Dhacdadaan oo Rasuulka (scw) lasoo tusiyay makhluuqaadka Alle ee waawayn faahfaahinteeda waxaa wariyay aqoonyahannada xadiithka waana tan ayadoo kooban. Ibn Qayim wuxuu yiri: Rasuulka Alle (scw) ayaa la dheelmay laf ahaantiisa sida saxda ah, waxaana laga qaaday masjidka Xaramka ilaa Baytul Maqdas, isagoo saaran Buraaq (Neef baqasha le’eg oo tallaabada dhigaya halka araggiisu ku dhamaado) safarkiisana uu ku weheliyo Jibriil (cs) halkaas oo intuu Buraaqii ka dagay uu tujiyay Nabiyada Alle (cs) salaad uu imaam u ahaa, Buraaqiina wuxuu ku xirtay barxad fagaaga hore ee Masjidka ku taal. Isla habaynkaas gudihiisa ayaa Baytul Maqdas looga duuliyay xagga samada aduunka ee koowaad, islamarkiiba Jibriil ayaa dalbay in laga furo waana laga furay, halkaas oo Nabigu (scw) ku arkay Aadam aabihii bashariyadda, markii uu salaanta ka jawaabay ayuu kula hadlay hadallo ay ku jirto soo dhawayn iyo qiritaan uu aqoonsanayo nabinnimada Rasuulkeenna (scw), waxaana Alle ka tusiyay dhiniciisa midig nafaha dadka shuhadada ah dhiniciisa bidixna nafaha dadka ayaan darradu ku dhacday. Kadibna waxaa la korsiiyay Samada labaad, Jibriil ayaa dalbay in laga furo waana laga furay, wuxuuna halkaas ku arkay Yaxya Ibn Zakariya iyo Ciise Ibn Maryam (cs), intuu la istaagay ayuu salaamay, salaantiina waa ka jawaabeen ayagoo soo dhaweeyay kulana hadlay hadallo ay ku jirto qiritaanka nabinnimadiisa. Kadibna waxaa la korsiiyay Samada saddexaad, wuxuuna ku arkay Yuusuf (cs) oo uu salaamay, markii uu salaanta ka jawaabayna wuxuu ku hadlay hadallo ay ku jirto soo dhawayn iyo qiritaanka nabinnimadiisa. Kadibna waxaa la korsiiyay Samada afraad, wuxuuna ku arkay Idriis (cs), wuuna salaamay, soo dhaweeyay, qirayna nabinnimada Rasuulka (scw). Kadibna waxaa la korsiiyay Samada shanaad, wuxuuna ku arkay Haaruun (sc) wuuna salaamay.

No dataset card yet

New: Create and edit this dataset card directly on the website!

Contribute a Dataset Card
Downloads last month
0
Add dataset card